Hay'adda Horumarinta Bariga Afrika Oo Ku Dhawaaqday Inay Gacan Ka Geysanayso Dhamaystirka Jidka Dawga Cad

0
Thursday February 06, 2014 - 08:33:03 in by Super Admin
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Horumarinta Bariga Afrika Oo Ku Dhawaaqday Inay Gacan Ka Geysanayso Dhamaystirka Jidka Dawga Cad

    Kulanka ay yeesheen xubnaha hay'adda ayaa waxa hadal ku aadan dhismaha jidka Dawga-cad iyo halka uu marayo iyo weliba taageerada looga........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ay yeesheen xubnaha hay'adda ayaa waxa hadal ku aadan dhismaha jidka Dawga-cad iyo halka uu marayo iyo weliba taageerada looga........ Burghemn (Gabileynews) – Hay’adda Horumarinta Bariga Afrika ee Magaceeda loo soo gaabiyo EAD (East Africa Development), oo ah hay’ad fadhigeedu yahay dalka boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulan ay Caasimadda dalka Labaad ee dalka Ingiriiska ee Burghemn ku yeesheen dadka xubnaha ka ah hay’addani waxay kaga dhawaaqeen inay gacan weyn ka geysanayaan dhamaystirka Jidka Dawga Cad ee isku xidhaya dalalka Somaliland iyo Jabuuti. 

Kulanka ay yeesheen xubnaha hay’adda ayaa waxa hadal ku aadan dhismaha jidka Dawga-cad iyo halka uu marayo iyo weliba taageerada looga baahan qurba-joogta ka jeediyay Injineerka gacanta ku haya dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa Eng. Cali Cabdi Sarajoog oo hogaaminayey wefti hawlo qaadhaan ururin u tagay Ingiriiska. 

Eng. Sarajoog, waxa uu xubnaha hay’adda uga waramay isla-markaana sawir ka siiyey hawsha iyo dedaalka ay ugu jiraan dhamaystirka jidka Dawga-cad, marxaladihii uu soo maray, waxa qabsoomay iyo taageerada loo baahan yahay. 

Eng. Cali Cabdi Sarajoog, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waxa Sharaf ii ah sida qiimaha badan ee aad halkan iigu soo dhaweyseen, hawsha aanu ka hayno (jidka Dawga Cadna) waan idiinka waramay, dedaalkiinana waa mid aanu sugayno, weftiga aanu idiinku soo baxnay mooyaane, meel kasta qaylo-dhaanta waanu u dirnay, sidaad warbaahinta kala socoteena wefti Jabuuti tagay-baa jiray iyo mid aanu Kanada u dirnay, markaa muddo ayay soo rafanaysay waddadani, meel kasta in waddo laga sameeyo ayaa ILAAHAY laga baryayaa, laakiin in mudnaanta la kala siiyo ayaa haboon, tan aanu mudada wadnay in la dhamaystiro oo lagu dedaalo ayaanu idiinku nimid, waanad ku mahadsan tihiin dedaalka aad u haysaan” 
Markaasi ka dib ayaa hay’addu ku dhawaaqday inay gacan ka geysanayso dhismaha jidkaasi isla-markaana ay guud ahaanba quba-joogta Somaliland iyo dadka kale ee ka qayb-qaadanayaba ay masuul rasmiya uga noqonayso dhamaystirka Waddadan oo isku xidhaysa Hargeysa iyo degmada Ceel Sheekh, una sii gudbi doonta dalka Jabuuti. 

Hay’adda horumarinta bariga Afrika (EAD), ayaa la wareegi doonta dhammaan wixii tabarucaad ah ee loo gudbinayo dhamaystirka waddadaasi. Sidoo kale, hay’adda ayaa bilaabi doonta olole baaxad leh oo ay dadka Somaliland iyo dunidaba ku gaadhsiinayaan sidii gacan looga geysan lahaa dhamaystirka Jidka Dawga-cad. 

Hay’adda East Africa Development, ayaa ah hay’ad dhawaan laga aasaasay Magaalada London, isla-markaana ay ku midaysan yihiin dad ku kala nool guud ahaan dalka Ingiriiska iyo xubno daneeya inay hay’addu gacan ka geysato mashaariicda horumarineed ee ka socda Somaliland, waxaana la wareegidda dedaallada lagu dhamaystiriyo jidka Dawga-cad ay tahay mid muhiim ah. 



Xigasho: Gebileynews