Diyaar Garowga Iyo Soo Dhaweynta Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan Uu Maalinta Jimcaha Ah Ku Imaanayo Soomaaliya Oo Laga Dareemayo Muqdisho

0
Wednesday January 21, 2015 - 18:19:51 in by salman abdi
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaar Garowga Iyo Soo Dhaweynta Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan Uu Maalinta Jimcaha Ah Ku Imaanayo Soomaaliya Oo Laga Dareemayo Muqdisho

    Waxaa M/Muqdisho ku soo qulqulaya wafdi hor dhac u ah ama u gogol xaaraya safarka lagu wado in uu maalinta Jimcaha ah Soomaaliya ku yimaado Madaxweynaya Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa M/Muqdisho ku soo qulqulaya wafdi hor dhac u ah ama u gogol xaaraya safarka lagu wado in uu maalinta Jimcaha ah Soomaaliya ku yimaado Madaxweynaya Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan,

 oo safar socdaal ah uu uga bilowday wadamada dhaca Geeska Afrika, Waxaana M/muqdisho maanta soo gaaray Ciidamo iyo Wafdi ka socda dalka
Turkiga oo isugu jira Siyaasiyiin ,Ganacsato , Protocol-ka iyo ilaalada qaaska ah ee Madaxweynaha, si u sii qiimeeyaan xaaladda Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maalinta berri ah oo Khamiis ah tagi doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga waxa uu tagi



doonaa dalka Jabuuti, iyadoo lugta saddexaad ee safarkiisa geeska Afrika uu ku soo khatimi doono Soomaaliya oo la wado in maalinta jimcaha uu soo gaaro.

 


xiligaa wixii ka danbeeyayna dowladda turkigu waxa ay Soomaaliya ka waday howlo balaaran oo isugu jira Gargaar, Dib u dhis, Adeegyo C/fimaad ,Waxbarasho iyo taakuleynta Dowladda Soomaaliya.

Booqashada Erdogan ee jimcaha uu ku imaan doono Soomaliya oo qaadan doonta hal maalin ayaa noqon doonta tii labaad, kadib markii uu sanadkii 2011 uu yimid Soomaaliya, xiligaas oo ay ka jirtay dalka abaaro iyo macluul ay dad badan u geeriyoodeen.inkastoo uu xiligaa ahaa Reysalwasaare.hadana waxa uu socdaalkiisu ahaa mid Soomaaliya ku soo jeediyay indhaha beesha caalamka.

Diyaar garowga imaanshaha Ordagan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho waxaana diyaar garowga bar bar socda howl gallo amniga lagu sugayo, kaasoo labadii maalmood ee u dambeeyay sababtay in la xiro wadootinka halbowlaha u ah isu socodka bulshada.waxaana durba socota qaban qaabadaii lagu xiri lahaa wadooyinkaasi galinka danbe ee maanta.
.
Kadib markii 10-kii bishan magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada Urur goboleedka IGAD. Ayey dowladda Soomaaliya sheegtay in magaalada Muqdisho ay marti gelin doonto wafuud caalami ah sanadkan 2015-ka,waxaase safarada madaxdan cabsho xoogan ka muujinaya shacabka maadaama maalmahaasi aaneey heli doonin wadooyin ay maraan



Contact@afkashacabka.com