Wefti Wasiirka Khaarajigu Hogaaminayo Oo Kulamo Muhiim Ah La Qaatay Guddiga Arrimaha Dibadda Midawga Yurub

0
Wednesday January 21, 2015 - 18:33:29 in by salman abdi
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Wasiirka Khaarajigu Hogaaminayo Oo Kulamo Muhiim Ah La Qaatay Guddiga Arrimaha Dibadda Midawga Yurub

    Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire,Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Wakiilada Somaliand ee London iyo Brussels iyo sidoo kale Mulkiilaha Maansoor hotel ayaa kulan la yeeshay Xalay Guddida A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire,Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Wakiilada Somaliand ee London iyo Brussels iyo sidoo kale Mulkiilaha Maansoor hotel ayaa kulan la yeeshay Xalay Guddida Arrimaha dibada ee Midawga Yurub.


Kulanka oo ka dhacay Brussels ayaa Masuuliyiinta Somaliland ku soo bandhigeen Qaddiyadda Somaliland iyo arrinta Citiraaf raadinta Somaliland. Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqiin muhiimada wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo Midawga Yurub.
Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo hadal ka jeediyay Madasha ayaa ku dheeraaday Taariikhda Somaliland ee wakhtigii Somaliland Xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii oo uu sheegay inay si fudud ugula bahowday Somalia iyo wakhtigii Somaliland dib ula soo noqotay xorriyaddeeda ee sanadkii 1991-kii.


Wasiirku waxa uu sheegay inay haatan tahay wakhtigii Somaliland loo garaabi lahaa ""Waxa la gaadhay wakhtigii la qiri lahaa in Midowgii Somalialnd iyo Somaiya uu dhammaaday 1991. Waxaan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay qaataan go’aamo cad cad oo ay aqoonsadaan Somaliland.”ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday horumarka Somaliland gaadhay intii ay xorriyaddeeda dib ula soo noqotay, kuwaasi oo ku saabsan dhinaca dimuqraadiyadda iyo horumarka bulshada.
Marwo Edna Aden ayaa iGuddida Yurub ee Arrimaha dibadda uga xog warantay Halka ay salka ku hayso qaddiyadda Somaliland iyo dhibaatooyinka ay kala kulantay Midawgii Somalia. Waxay sheegtay inay jiraan tacadiyo iyo xasuuq lagula kacay bulshada Somaliland,taas oo keentay inay aayahooda ka tashadaan, waxaanay sharaxday sida ay Somaliland wadankeeda dib ugu dhistay wixii ka dambeeyay sannadkii 1991.
Waxa kale oo shirka goob joog ka ahaa Wakiilka Somaliland ee Brussels Maxamuud Daar,Wakiilka Ingiriiska ee Somaliland Cali Cawaale, Shaqaale kale iyo ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ah mulkiilaha hoteelka Maansoor.






Contac@afkashacabka.com