Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo Si layaab leh Logu Soo Dhoweeyey Laascaanod iyo Ciidama Qaranka oo ku so Dhoweyey Jiidda Hore ee Gambadha+SAWIRO

0
Wednesday January 21, 2015 - 23:30:10 in by salman abdi
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo Si layaab leh Logu Soo Dhoweeyey Laascaanod iyo Ciidama Qaranka oo ku so Dhoweyey Jiidda Hore ee Gambadha+SAWIRO

    Madaxweynaha Somaliland oo socdaalka uu ku marayo Dalka socdaalkiisani ka mid ahaa ayaa Fadhiisinka Gambadha ee Cidanka Qaranka ka dhagax Dhigay Laba Mashruuc oo ay xukumaddu hirgelinayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland oo socdaalka uu ku marayo Dalka socdaalkiisani ka mid ahaa ayaa Fadhiisinka Gambadha ee Cidanka Qaranka ka dhagax Dhigay Laba Mashruuc oo ay xukumaddu hirgelinayso

Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, iyo weftigii uu hogaaminaayey ee todobaadkan socdaalka ku maraayey gobolada dalka intooda badan ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Sool ee laascaanood.

DSC_0029 DSC_0035 DSC_0037

 

Madaxweynaha oo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ayaa muddo todobaad ahba safaro ku galaabixinaayey sedeed gobol in ka badan oo kii u danbeeyey uu yahay gobolka sool, halka uu hore u soo maray gobolada, Awdal, Gabiley, Hawd, Daadmadheedh, Togdheer, Saraar, iyo qaybo ka mida Gobolka buuhoodle, safarkan oo ah mid uu madaxweynuhu ku maray xuduuda ay somaliland la leedahay wadamada jaarkeena ah ee Ethiopia iyo Soomaaliya, ayaa loogu magac daray safarkii Buuraha iyo Banaanka, ujeedadiisa koowaadna tahay in dalka guud ahaan uu madaxweynuhu ka war hayo, xaaladahooda dhaqan-dhaqaale, caafimaad, nolosha dadka iyo xoolaha ee deegaamada iyo xuduudaha dalkaba.

DSC_0336 DSC_0347 (1) DSC_0383 DSC_0400 DSC_0427

DSC_0212DSC_0203DSC_0180DSC_0160DSC_0144

DSC_0104DSC_0076Abaaro 9:00 Am ama subaxnimo waxa uu madaxweynuhu gaadhay magaalo madaxda sool ee laascaanood, waxaana halkaa si weyn ugu soo dhaweeyey shacbi aad u tiro badan oo ka socda bulshada qaybeheeda kala duwan oo kaga horyimid duleedka magaalada, kadibna madaxweynaha iyo weftigiisa u sii gelbiyey gudaha magaalada, isaga oo madaxweynuhu shacbigii isugu soo baxay wadada hareeraheeda salaan gacantaaga u fidiyey.

DSC_0220 DSC_0244 DSC_0307DSC_0307

 

 

ka dibna waxa madaxweynaha la geeyey Xamdi hotel oo madaxweynaha ay ku sugayeen kumanaan dad ah iyo cuqaal aad u tiro badan, halkaasina waxa hadalo ka soo jeediyey garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed, Suldaamo kale, Chief Caaqilo, Gudoomiyaha Bahweynta Nabada Marwo CARFI JAAMAC CALI, Maayarka Magaalada, Badha-saabka gobolka, masuuliyiin kala duwan, oo uga mahadnaqay safarka uu ku yimid gobolka, markii labaad balse kala duwan labadaasi wakhti marka loo eego xiliyada laga soo gudbay, iyaga oo ku tilmaamay isbedelkaasina mid waxqabad oo ka gobol ahaan ay qirayaan in xukuumadani ay wax weyn u qabatay sool.

IMG_0909 (1) IMG_0909 IMG_0939 IMG_0931

dhinaca xukuumadana waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Warfaafinta, cukuse, Wasiirka hawlaha Guud cabdirisaaq, Wasiirka Biyaha, Xuseen,Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey markii danbe

Iyada oo madaxweynuhuna uu uga mahadnaqay soo dhawaynta ay soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisaba, isaga oo madaxweynuhu yidhi alle ha idin karaameeyo hana idin sharfo, waad nasharafteene, wixii baahiyo ka jira gobolkana waxa aanu halkan maanta u marayno ayaa kow ka ah, diyaarna waxaanu u nahay mar walba in aanu idin barbartaagnaano ka xukuumad ahaan.

Madaxweynaha oo markii ay xafladu soo dhamaatay u sii dhaafay laascaanood, dhinaca tuulada ganbadha,halkaana dhagax-dhigay rug boolis oo ay odayaasha dhaqanka ganbadhi ka codsadeen in loo suuro geliyo madaama ay baahi wayn u qabaan, Rug boolis ama Saldhig boolis iyo xarun caafimaad iyada oo uu madaxweynuhuna ka aqbalay isla saacidiina u dhagax dhigay labadaasi gooboodba.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray fadhiisimada ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaha hore ku sugan, isaga oo madaxweynuhu salaan ka qaatay ciidamada qaranka, ka dibna taliyaha ciidanka qaranka Sareeyo guuto Ismaaciil Shaqale iyo wasiirka gaashaandhiga Somaliland, ayaa ciidanka sharaxaaf ka siiyey madaxweynaha oo socod lug ah ku soo mariyey ciidamada halkaasi ku sugnaa badan kooda, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray xarumaha taliska ciidamada qaranka.

 

IMG_1019 IMG_1029 IMG_1055 IMG_1101

isaga oo madaxweynuhu halkaa mahadnaq iyo dardaaran u jeediyey ciidamada qalabka sida kuna adkeeyey inay halkoodii ka sii wadaan dedaalka iyo kartida ay shacbiga Somaliland u muujiyeen ee ay kolsoonida ugu seexdaan habeen iyo maalinba, isaga oo yinid kalsooni wayn ayaan idinku qabnaa waanu idinku faan mar walba, ka xukuumad ahaana ay barbartaagan yihiin ciidamadu meel ay joogaanba sidaa aan aniga oo madaxweynihii qaranka ahba idin barbartaagnahay maanta idinka oo ku sugan jiidaha hore ee dalka.






 Contact@afkashacabka.com