Khilaafka SONYO Markale Soo Ifbaxay iyo Garabka Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Munaasibad Qabsaday.+Sawiro
Dalladda Midaysa Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayuu wali khilaafkeedu cakiran yahay, kadib markii shirweynaheedii khilaaf hadheeyay. Dalladda oo laba garab u kala jabtay ayaa laba musharax oo sanadkan tartamayay mid kasta dhinaciisa u sheeganayaa Gudoomiyaha Rasmiga ah.
Garabka Cabdicasiis Xirsi Warsame oo markii u horaysay ahaa ka haystay
Aqlabiyadda balse wakhtigii loo caddayn lahaa Garabka kale shirka ka
dareeray ayaa maanta ku qabsaday Magaalada Hargeysa Munaasibad ay
awoodooda ku muujinayaan.
Cabdicasiis waxa uu duray hogaanka xilku ka dhamaaday ee SONYO "Dadkii
aad xilka u dhiibateen labadii cisho ee shirweynaha waxay waxaad
ogtihiin oo khilaaf iyo dhib ah u samaynayeen inaan lala xisaabtamin, si
aan madmadowga jira loo soo saarin taasna waxaynu leenahay marnaba ka
yeeli mayno, Ururadana waxaanu leenahay arrintaas u diyaar
garooba,Xaqiinana yaan marnaba la duudsiyin ee diyaar u ahaada.”

Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Ugu horayn Madasha ka hadlay ayaa yidhi
"Waxaan ugu horayn halkan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland oo
aan jecelahay inaan farriina u diro oo runtii Dhalinyarada Somaliland
waxbadan u qabtay laakiin, qolo la shaqaysaa doonayso inay hadda
Iskiisad dib u mariso, taasna waxaanu leenahay waa inaad Madaxweyne ku
baraarugtaa, waa inaad arrintaas ogaataa oo waxay doonayaan inay
khaatumada kaa xumeeyaane waa inaad arrintaas ka digtoonaato” ayuu yidhi
Cabdicasii Xirsi Warsame.
Dhinaca kale waxa uu farriin u diray Ururada kale ee Dalladda Sonyo ku
jira "Waxa aan jecelahay inaan farriin u diro Ururadda ku jira SONYO,
waxaanan leeyahay SONYO idinkaa iska leh, SONYO waxaynu doonaynaa inay
noqoto SONYO-adii la yaqaanay,SONYO-dii Magaca wanaagsan lahayd,
SONYO-dii Hormoodka u ahayd dhalinyarada Somaliland”.
Cabdicasiis waxa uu duray hogaanka xilku ka dhamaaday ee SONYO "Dadkii
aad xilka u dhiibateen labadii cisho ee shirweynaha waxay waxaad
ogtihiin oo khilaaf iyo dhib ah u samaynayeen inaan lala xisaabtamin, si
aan madmadowga jira loo soo saarin taasna waxaynu leenahay marnaba ka
yeeli mayno, Ururadana waxaanu leenahay arrintaas u diyaar
garooba,Xaqiinana yaan marnaba la duudsiyin ee diyaar u ahaada.”
Dhinaca kale Buraale Foolxume iyo Xubno kale oo taageersan Garabkan ayaa
Wasiirka Ciyaaraha ku eedeeyay kala qaybinta Dalladda Dhalinyaradda
Somaliland ee SONYO. Waxay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu si qoto dheer u
eego Khilaafka SONYO islamarkaana u dhug yeesho Ficiladda Masuuliyiinta
uu xilka u dhiibtay oo ku hawlan Kala qaybinta Dhalinyarada.
Khilaafka Dalladda SONYO, ayaa yimid ka dib markii Shirweynihii 7-aad oo
qabsoomay dabayaaqadii Bishii December lagu kala kacay. Ergooyinka
taageersan Siyaad Cumar Cali, ayaa ka dareeray Shirka ka dib markii sida
la sheegay Aqlabiyaddu raacday Musharaxa kale, waxaana shirkaasi xidhay
Hogaankii hore ee Dalladda. Ilaa hadda ma jiro dhexdhexaadin lagu
kalsoon yahay, balse waxaa jirta Warar sheegaya in Xukumaddu taabacsan
tahay Garabka Mr Siyaad.
Hargeisa/Office
contct@afkashacabka.com
Khilaafka SONYO Markale Soo Ifbaxay iyo Garabka Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Munaasibad Qabsaday.+Sawiro
Dalladda Midaysa Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayuu wali khilaafkeedu cakiran yahay, kadib markii shirweynaheedii khilaaf hadheeyay. Dalladda oo laba garab u kala jabtay ayaa laba musharax oo sanadkan tartamayay mid kasta dhinaciisa u shee