Somalia oo Shaaca Ka Qaaday in Erdogan uu booqasho ku Imanaayo somliya

0
Thursday January 22, 2015 - 14:23:56 in by Burco Office
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo Shaaca Ka Qaaday in Erdogan uu booqasho ku Imanaayo somliya

    Dowladda Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku imaanayo magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya berri oo Jimco ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku imaanayo magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya berri oo Jimco ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa la filayaa inuu berri dalka kusoo dhaweeyo Muqdisho dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho rasmi ah ku imaanaya Soomaaliya, ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa noqonayaa kii labaad oo Erdogan uu ku yimaado Soomaaliya, iyadoo uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimid sanadkii 2011-kii, xilligaas oo uu ahaa raiisul wasaaraha waddanka Turkiga.

Labada madaxweyne ayaa yeelan doona wadahadallo la xiriira is-kaashiga labada waddan, kuwaasoo diiradda lagu saari doono barnaamijyada horumarinta ee dowladda Turkigu ay kawado Soomaaliya iyo arrimo kale oo dalka wax-tar u leh.

Madaxweyne Erdoğan ayaa booqan doona qaar ka mid ah mashaariicda uu Turkigu maal-gelinayo, ka hor intaanu dhameysan socdaalkiisa.

Contct@afkashacabka.com

- See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Jan/wararka_maanta22-89857.htm#sthash.snHQcAHO.dpuf