Saddexda Xisbi Qaran Oo La Kulmay La Qaatay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxaase Kasoo Baxay ? (Daawo akhriso)

0
Thursday January 22, 2015 - 15:16:42 in by Burco Office
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Xisbi Qaran Oo La Kulmay La Qaatay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxaase Kasoo Baxay ? (Daawo akhriso)

    Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa Maanta kulan Wadda Yeeshay ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Somaliland, isla Markaana Komishanku iyo Xisbiyada u soo bandhigeen Jad-walka Shaqadood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa Maanta kulan Wadda Yeeshay ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Somaliland, isla Markaana Komishanku iyo Xisbiyada u soo bandhigeen Jad-walka Shaqadood.


Kulankan oo aha Mid Albaabadu u xidhnaayen ayaa markii uu dhammaaday Wax warbaahinta la Hadlay Masuuliyiintii Saddexda Xisbi uga qayb-gashay Shirkaasi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in komishanku u soo bandhigeen halka ay Hawluhu u maryaan waxanu tilmaamay in ay u sheegen in ay Dhisayaan Komishanki Gobolada dalka, isla markaan ay Qaadanyaan Shaqaalihii hawlgali lahaa, waxa kale oo uu tilmaamay in ay Shaacinayn Shirkaadi la siiyey Qandaraaska Diwaangalinta."Saddexda-yadiiXisbiqaran ayaa

halkan taagan waxaanu ka Nimid Kulan Ka dhacay Komiishanka doorashooyinka qaranka somaliland,Kulan Kanina waxa uu ka mid yahay Kulamada lagu dar-dar galinayo Hawla Doorashooyinka,marka hore komiishanku waxa ay warbixin Xisbiyada kasiyeen siday wax u socdaan oo ay ka mid yihiin Qalabkii Qandaraas-yada sida diwaan galinta iyo Xiliga Doorashada oo ay iyagu gacanta ku hayaan.

Maxamed Kaahin Axmed Waxa uu intaas Raaciyay.”waxa ay noo shegeen in ay ku jiraan sidii Loogu bixi lahaa gobolada dalka si Baadhid loogu soo sameeyo Goobaha Cod Bixinta ee doorashadu ka dhacayso kuwaas oo ay kawad qayb galayaan Xisbiyada iyo komiishanka qaranku iyo in la joogteeyo Hawlaha Xisbiyada iyo komiishanka si looga ilaaliyo Wixii qaybo ah.

Musharax kuxigeenka jagada Madaxtinimada ee Xisbiga UCID cabdirashiid Xassan Mataan oo isaguna ka hadlay Kulankaasi ayaa Tilmaamay in ay ku rajo weyn yihiin Doorashadu wakhtigeeda ay dhacdo isaga oo hoost aka xariiqay in wixii farsamo ah ee yimaada laga tashandoono, basle waxa uu cadeyey in markii ay eegen waxyaabihii ay u soo bandhigeen Komishanku ay ku niyad san yihiin in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Cabdirashiid Riyo-raac oo isaguna ku hadlayey Afka Xisbiga Waddani ayaa waxa uu tilmaamay in Komsihanku u soo bandhigeen Jad-walka ay ugu tallo galeen Diwaangalinta iyo hawlaha kale ee Doorashooyinka isla markaana ay ku qanceen, filayaan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

"Dalku shuruuc ayuu leeyahay,sharcina waynu kuwada shaqaynaa,wixii farsamo ah marka ay xisbiyadu iska arkaan ee laga Maar-maan tahay oo Arin Farsamo tahay Danta qarankuna ku jirto oo mudo kordhin ah waa la aqbalayaa,Lakiin intaas wax ka dhiman oo ku xad gud-baya sharciga dalka cidna Aqbali Mayso.

Labada xisbi Mucaarad ee somaliland ayaa in Badan Cabashooyin Ka sheegay in Doorashadu Aanay wakhtigeeda ku qabsoomay Balse Maanta waxa ay shegeen in ay ku niyada Sanyihiin in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomayso

cabdi Koronto

Hargeisa/Office

contact@afkashacbka.com