Dawlada Hoose ee Berbera Oo Olole Nadaafadeed Ka Fulisay Xeebta Bataale

0
Thursday January 22, 2015 - 19:27:54 in by salman abdi
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Hoose ee Berbera Oo Olole Nadaafadeed Ka Fulisay Xeebta Bataale

    Olole nadaafadeed ayaanu qaadnay oo aanu ka fulinay xeebtan loo soo dabaal tago ee Batalaale, taas oo mudooyinkii danbe qashinka caagadaha biyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Olole nadaafadeed ayaanu qaadnay oo aanu ka fulinay xeebtan loo soo dabaal tago ee Batalaale, taas oo mudooyinkii danbe qashinka caagadaha biyaha

Xeebta loo dabaal tago ee Batalaale ayaa olole nadaafadeed oo dawlada hoose ee Berbera ay ku qaaday lagaga guray in ka badan shan lawdh oo qashinka caagadaha biyaha laga cabo ah.


Agaasimaha arimaha bulshada ee dawlada hoose ee Berbera ayaa sheegay inay qashinka caagadaha oo tiro badan ay ka soo daabuleen xeebta dalxiiska loo tago ee Batalaale, waxaanu dalxiisayaasha u soo jeediyay inay ku da’daalaan sidii goobaha loogu talo galay caagadaha biyaha laga cabo ay ugu ridilahaayeen.

Agaasimaha arimaha bulshada dawlada hoose ee Berbera Jimcaale Cabdilaahi Jaamac (Cawke) oo u waramaayay wargeyska Waaheen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Olole nadaafadeed ayaanu qaadnay oo aanu ka fulinay xeebtan loo soo dabaal tago ee Batalaale, taas oo mudooyinkii danbe qashinka caagadaha biyaha u noqotay wehel, inbadan ayay maskaxdayada ka guuxaysay in qorshe waara nadaafada goobtan dalxiis loo sameeyo, laakiin intaas ka hor in aan la sii eegayn karayn qashinka caagadaha ee meesha is tuulay, shalay ilaa maanta caagadaha Batalaale laga guray shan lawdh ayay ka badan yihiin oo waliba aanay naga dhawayn”

 

Agaasime Cawke oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Waxaanu doonaynaa dhawaan in aanu xeebtaas dhigno waxyaabo dadku ay iskga ridi karaan caagadahaas ay biyaha ka cabayaan, inkasta oo qorshaha golaha deegaanka ee Berbera ay sanadkan ugu talo galeen Batalaale ay tahay In laga dhigo goob lagu dalxiiso oo leh dhir, meelo lagu maydho iyo kuwo lagu nastaba, hadana dadka dalxiisayaasha ah waxaanu ka codsanaynaa inay nadaafada nala ilaaliyaan oo waxyaabahaas aanu ugu talo galnay inay qashinkooda ku ridaan ay ku hubsadaan inay ku ridaan.”




Contact@afkashacabka.com