Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Rajada Jidka Ceerigaabo Fariin Adag-na U Diray War-xumo Tashiilka

0
Thursday January 22, 2015 - 22:13:49 in by salman abdi
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Rajada Jidka Ceerigaabo Fariin Adag-na U Diray War-xumo Tashiilka

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay halka ay marayso rajada laga qabo in la dhameeyo jidka isku xidha magaalooyinka BURCO iyo CEERIGAABO kaasoo la bilaabay muddo sannad badh ku dhowaad ka hor wasiirka oo war qoraal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay halka ay marayso rajada laga qabo in la dhameeyo jidka isku xidha magaalooyinka BURCO iyo CEERIGAABO kaasoo la bilaabay muddo sannad badh ku dhowaad ka hor wasiirka oo war qoraal ah soo dhigay barta Facebook-ga uu ku leeyahay ayaa yidhi:


 


Riyadu Waxay U Rumowdaa Dadka Riyooda oo Kaliya! +++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Shalay markii jidkan la dhagax dhigay qolo badan oo uu dhibo Samaha u biira Dalkeena iyo Dadkeenu waxay la lahayeen waa Been, markii aanu qalabka dirnay waxay lahayeen waa Been, markii cara-tuulka aanu saarnay waxay lahayeen waa been BAL MAANTANA?!
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waxaa laga joogaa 484 Cisho kadib Markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu dhagax dhigay Mashruucii uugu waynaa ee dalka laga dhagax dhigo oo ah JIDKA CEERIGAABO!

Waxay ahayd riyo ay adag tahay in ay ku riyoon karaan dadka aanan aragtida fog nolosha ka yeelan Karin ama aanan lahayn dhiiranaanta xaqiijinta himilooyinka nolosha.

 


 

Mudadaas 484-ka Cisho ah , waxaanu ku jirnay in aanu soo gaadhno maanta oo kale si aan cod dheer uugu sheegno in ay waxwalba suurogal yihiin hadii Muruqa iyo maalka la isku darsado.

Ugu horayn si aanu u yarayno kharashka badan ee wadooyinka ku baxa waxaanu dalka dibediisa uugu dirnay qalab "Earth Moving Machines” kuwaas oo qayb wayn ka qaata dhismaha iyo dhimista kharashka ku baxaya Jidkan, sidoo kale si aanu u xaqiijino hadafkan waxaanu ka xukuumad ahaan iska jarnay qayb yar oo kamida Mushaharka bilaha ah ee aanu qaranka uugu shaqayno si ay bulshada inteeda kalena uugu dhiirato, taasi oo ay ku xigtay in aanu bulshada qaybaheeda kala duwana ka codsanay in ay ka qayb qaataan dhismaha Jidkan muhiimada wayn uugu fadhiya qarankeena Somaliland halkaas oo aanu u furnay sanduuqyo "Accounts” ay ku bixin karaan wixii kolba ay ku taageerayaan jidkaas dheer ee isku xidhaya Togdheer – Sanaag

Si aanu kor uugu qaadno nadiifnimada iyo is-aaminada "Transparency” waxaanu abuurnay website laga daalacdo qof walba oo wax ku darsaday mashruucan oo la yidhaa: www.somalilandroads.com

kaasi oo wax badan ka taray tartanka caafimaadka qaba ee dhanka wanaaga iyo khayrka lagu tartamayo.

Jidka oo dheer iyo kharashka ku baxaya oo badan darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in Tacriifad kooban oo aan ka bixinayana dhibayn waxa ay taraysana badan tahay u saarnay xoolaha nool halkaas oo golaha sharci dejintuna cod aqlbiyad ah ku meel mariyeen.

Hadaba markii aanu isla helnay, 1- Dareenkii dadka oo dhamaan u darban Iskaa Wax u Qabso 2- Qalab u diyaar ah fulinta hawsha 3- Dawlada oo si bille ah uuga qayb qaadanaysa oo Miisaniyada uugu dartay saami cad 4-Tacriifad joogto ah oo u khaas ah Waddooyinka dalka ,, Ayaanu bilownay Wajigii Koobaad ee Jidka Rajada oo ah Jidka Ceerigaabo!!! Illahayna S.W.T waa nagu guuleeyey oo ducadii boqolaalka kun ee Reer Somaliland ah uu noo aqbalay

Maanta waxaanu furaynaa 30km oo kamida jidka Ceerigaabo oo daamur ah kaasi oo waxna dhamaadeen waxna daamurkii in la saaro oo kaliya ka dhiman tahay.
- Ina Afmadoobe 10km
- Gar-adag 5km
- Ceel-Afweyn 5km
- Ceerigaabo – Ina Afmadoobe 10Km

Sidoo kalena aanu dhagax dhigayno 40km oo ka kala socon doonaa Ina-Afmadoobe "20km” iyo Ceerigaabo "20Km”
Maanta waxaynu caalamka tusnay qiimaha cududa dadku leeyihiin "Man Power” hadii ay helaan hogaan toosan oo ku hagga himilada ay hiigsanayaan.

Waa Guul bilow ah oo midhaheeda aynu dhamaan wada leenahay cid walba oo cod,cuud, caqli iyo ducaba kaga qayb qaadatay jidkan.

Shalay markii jidkan la dhagax dhigay qolo badan oo samaha u biira dalkeena iyo dadkeenu dhibo oo aan guul la rabin qarankeenu waxay la lahayeen waa been, markii aanu qalabka dirnay waxaa la lahaa waa been, markii cara-tuulka aanu saarnay waxaa la lahaa waa been BAL MAANTANA?!

Waxaynu joognaa Albaabkii Horumarka waana intaas oo looga sii dhawaado.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Contact@afkashacabka.com