Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Su'aalo Midawga Yurub Ka Waydiiyeen Qaddiyadda Somaliland

0
Friday January 23, 2015 - 12:47:15 in by salman abdi
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Su'aalo Midawga Yurub Ka Waydiiyeen Qaddiyadda Somaliland

    Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Kulankii wefti uu hogaaminayay la yeeshay Baarlamaanka Yurub lagu waydiiyay Su'aalo badan oo ay si fiican uga jawaabeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Kulankii wefti uu hogaaminayay la yeeshay Baarlamaanka Yurub lagu waydiiyay Su'aalo badan oo ay si fiican uga jawaabeen.


Wasiirka oo ka hadlay kulanka Bulgium-ka ka dhacay ee Wefti ay ka mid yihiin Wasiir Biixi,Dr Sacad Cali Shire iyo Edna Aadan Qaddiyadda Somaliland ugu sharaxeen Baarlamaanka Yurub waxa uu u mahadceliyay dadka fursaddaasi siiyay.
"Waxaa nala waydiiyay Su’aalo fiican oo na siisay fursad aanu dadkii ugu sharaxno Qaddiyadda Somaliland waxay tahay.waxaa nala waydiiyay wada hadalladdii (Somaliland iyo Somalia)halkay marayaan,waxaa nala waydiiyay wadanku siduu ahaan jiray, dadka intooda badana kama qarsoona Somaliland horumarka ay gaadhay, hadday tahay xagga nabada,xagga Dimuqraaddiyadda,xagga doorashooyinka, taas oo ay aad u dhiiri galiyeen oo ay aaminsan yihiin, in mabaadiida Caalamku aad u aaminsan tahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xuquuqal Iisaanka,Warbaahinteena sidaynu ula dhaqanno iyo Sharciga oo sarreeya.

Markaa Dadka aanu Maanta u nimid waxaanu u sharaxnay inaanu waddamo fara badan oo dunida iyo Africa ah kaga horayno arrimaha Xuquuqal iisaanka,Dimuquraaddiyadda iyo sida aanu Nabadayada u dhisanay. Waxaanu u sharaxnay dagaalka weyn ee Somaliland kaga jirto Argagixisada,Budhcad badeeda,taas oo haddii aanay Somaliland Arrimahaas galin dhibaatada halkaas taala ay halkanna iman doonto, aad iyo aadna way ugu qushuuceen halka ay nabad galyada kaga jirto Somaliland, waxaananu filaynaa” ayuu yidhi Wasiirka Maxamed Biixi Yoonis.

 


 

Weftiga Somaliland ayaa Baarlamaanka Yurub la kulmay islamarkaana kulan gaar ah la yeeshay Guddida Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Yurub. Arrintan ayaa la filayaa inay wax ka bedesho xidhiidhka Somaliland iyo Wadamada Yurub ee ku midaysan Yurub.



Contact@afkashacabka.com