Daawo Sawirada'' Ciidamadii ugu badnaa ee Ukraine oo faaruqiyay Fariisimihii ugu weynaa Donetsk

0
Friday January 23, 2015 - 12:48:50 in by salman abdi
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada'' Ciidamadii ugu badnaa ee Ukraine oo faaruqiyay Fariisimihii ugu weynaa Donetsk

    Ciidamada Militariga Ukraine, ayaa waxaa goor dhow lagu khasbay inay isaga baxaan fariisimihii ugu weynaa, ee ay ku lahaayeen Garoonka Magaalada Donetsk ee Bariga Ukraine.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Militariga Ukraine, ayaa waxaa goor dhow lagu khasbay inay isaga baxaan fariisimihii ugu weynaa, ee ay ku lahaayeen Garoonka Magaalada Donetsk ee Bariga Ukraine.  Tani waxay ka dambeysay duqeymo culus oo muddo saacado ah qaatay, oo ay Garoonkaasi ku garaacayeen Xoogaga mucaaradka, ee dalka Ruushku uu taageero.

Militariga Ukraine waxa uu shaaciyay in weerarkaasi looga dilay 6 askari, iyadoo 16 kalana ay kaga dhaawacmeen. Waxaa kaloo jira warar sheegaaya in gacanta lagu dhigay tiro ka mid ah Ciidamada Ukraine.

Bas maraayay bartamaha Donetsk, ayaa waxaa ku dhacay madfac, waxaana la xaqiijiyay in 6 ruux ku dhimatay, iyadoo tiro badana ay ku dhaawacantay.
 


Ukraine waxaa dhabar jab ku ah qabsashada xoogaga mucaaradka ee Garoonka.

Ukraine waxay Arbacadii Ruushka ku eedeysay in 9 kun oo askari uu soo geliyay Magaalada Donetsk, si ay uga barbar dagaalamaan dagaal-yahanada Dowladda ka soo horjeeda.