Madaxtooyadda Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Inuu Baaqday Safarkii Madaxweynaha Turkigu Ku Iman Lahaa Muqdisho.

0
Friday January 23, 2015 - 12:54:16 in by salman abdi
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Inuu Baaqday Safarkii Madaxweynaha Turkigu Ku Iman Lahaa Muqdisho.

    Madaxtooyadda looga arrimiyo dalkaasi Somaliya ayaa dabooka ka qaaday inuu baaqday safar la filaayey inuu magaalada Muqdisho ku yimaado madaxweynaha dalkaasi Turkigu Recep Tayyip Erdogan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyadda looga arrimiyo dalkaasi Somaliya ayaa dabooka ka qaaday inuu baaqday safar la filaayey inuu magaalada Muqdisho ku yimaado madaxweynaha dalkaasi Turkigu Recep Tayyip Erdogan .

Sababta baaqashada safarka madaxweynaha ayaa ka dambaysay siday masuuliyiinta madaxtooyaddu cadeeyeen geeridii habeenkii xalay ahayd ku timid boqorkii dalkaasi Sucuudiga Boqor Cabdalla Binu Cabdulcasiis oo xalay geeryooday.

Waxaana la sheegay in madaxweyne Recep Tayyib Erdogan uu galabta dalkaasi Sucuudiga kaga qayb geli doono salaada janaasada boqorka oo salaada casar lagu tukan doono.

Madaxweynaha dawlada Federalka ah ee Somaliya ayaa isna la filayaa inuu ka qayb galo janaasadaasi,inkasta oo aan wararkan si rasmi ah loo hubin.

Waxa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho ka socday qaban qaabada loogu diyaargaroobaayo soo dhoweynta madaxweynaha dalkaasi Turkiga oo la filaayo inuu booqasho ku yimaado magaalada dagaaladu ragaadiyeen ee Muqdisho.



Contact@afkashacabka.com