Guddida Jidka DAWGA-CAD Oo Deeq Lacageed La Soo Gaadhsiiyey Iyo Dardarta Dhismaha Wejiga Labaad

0
Friday January 23, 2015 - 12:58:06 in by salman abdi
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Jidka DAWGA-CAD Oo Deeq Lacageed La Soo Gaadhsiiyey Iyo Dardarta Dhismaha Wejiga Labaad

    Axmed Yuusuf iyo Cali Aaden Samatar, oo iyaguna guddida xubno ka ah, ayaa waxay kula dardaarmeen shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba in aanay u kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Yuusuf iyo Cali Aaden Samatar, oo iyaguna guddida xubno ka ah, ayaa waxay kula dardaarmeen shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba in aanay u kala

Hargeysa (HWN) - Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD ayaa ka war-bixiyey halka ay mareyso hawsha dhismaha waddadaasi iyo lacago tabarucaad ah oo ay ka heleen qaar ka mid ah haweenka Qurba-joogta ah ee reer Somaliland.

 

Shir jaraa’id oo guddida dhismaha DAWGA-CAD ku qabteen huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxay sheegeen in ururka Haweenka ee HOODAALE oo fadhigoodu yahay dalka Denmarka ay ka heleen lacago ay ugu soo tabaruceen dhismaha Waddada DAWGA-CAD.

 

Guddoomiye ku xigeenka guddidaasi, Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in haweenka ururka HOODAALE ay si joogto ah u soo diraan qaadhaanka ay hawsha waddada kaga qayb-galayaan "Waxa naga soo gaadhay ururka Haweenka Denmark ee Hoodaale lacag dhan $ 5,133 doollar (Shan Kun, Boqol iyo 33 doollar). Maaha markii ugu horeysay ee ay soo diraan, mar hore, mar labaad iyo mar saddexaad ba way soo direen, lacagtana waxay iskaga ururiyaan HAGBAD ahaan. Waxaanuna rajeynaynaa in Qurba-joogta kalena ay ku deydaan hablaha, waayo shilinka joogtada ah ayaa idinkana idiin Ajar badan, annagana noo faa’iido badan oo wax weyn noo qabaneysa” ayuu yidhi, Sheekh Cabdiqaadir oo sii hadlaya ayaa u duceeyay haweenka soo diray lacagta ay ugu soo tabaruceen dhismaha jidka DAWGA-CAD "haweenka badhkooda lacagta soo diray waanu u duceynaynaa, waxaanu leenahay, ILAAHAY ha idinku dhowro , halkii aad ka soo saarteen wax ka khayr badan ILAAHAY ha idinku beddelo, ubadka ILAAHAY ha idiinku ilaaliyo, Aakhirana ILAAHAY (SW) jannada ha idinku geeyo. Waxaanuna rajeynaynaa in idinka iyo intii kale ee aan wax ku soo darsanba inaad soo dedaashaan, annaguna dedaalkaas ayaanu wadnaa, labada dedaal marka la isku geeyo ayay midho bixin doontaa”

 

Eng. Axmed Muxumed oo ka mid ah guddidaasi, ayaa isaguna sheegay in la bilaabayo Laamiyeyta 45KM oo dhismaha Waddadaasi ka mid ah, taasi oo isku xidhi doonta DAWGA-CAD ilaa Ceel Sheekh "Waxa bilaabmay 45KM oo ah meesha Camuud la yidhaahdo ilaa Ceel Sheekh, waxaana la qaban-qaabinayaa Caro-tuulkii” ayuu yidhi Eng. Axmed Muxumed.

 

Axmed Yuusuf iyo Cali Aaden Samatar, oo iyaguna guddida xubno ka ah, ayaa waxay kula dardaarmeen shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba in aanay u kala hadhin dhamaystirka jidka DAWGA-CAD ee hal-bowlaha ah "Marka la yidhaahdo hablo ayaa lacag u soo diray DAWGA-CAD, waxaanu is nidhaahnaa tolow kii rag ahaa maxaa ku dhacay, waanu leenahay waar ka kaca meesha” ayuu yidhi, Axmed Yuusuf.

 



Contact@afkashacabka.com