Arday Reer Somaliland Ah Oo Ka Qalin Jabiyay Jaamacada Makarere Ee Dalka Uganda

0
Friday January 23, 2015 - 12:59:41 in by salman abdi
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday Reer Somaliland Ah Oo Ka Qalin Jabiyay Jaamacada Makarere Ee Dalka Uganda

    Jaamacada Makarere ayaa ah mid kamida jaamacadaha ugu fiican bariga iyo badhtamaha Africa ay adagtahayna sida loogu biro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacada Makarere ayaa ah mid kamida jaamacadaha ugu fiican bariga iyo badhtamaha Africa ay adagtahayna sida loogu biro.

 Bishan aynu ku jirno 21-keedii ayaa waxa ka qalin jabiyay jaamacad Dawliga ah ee Makerere University ee ku taal dalka Uganda arday udhalatay dalka Somaliland.

Aradaydan ka qalinjabisay Jaamacada ayay tiradoodu dhamayd 5 (Shan) arday waxaanay kamid ahaayeen 10 (tobton) arday oo deeq waxbarsho ka helay urur goboleedka IGAD.

Ardaydan ayaa ka qalin jabiyay kuliyada xanaanada xoolaha oo ah mid wadankeenu aad ugu baahanyahay maadaama ay intabadan dhaqaalaheenu ku xidhanyahay xoolaha nool ee aynu udhoofino wadamada dibada.

Ardaydaas waxaa ka mid ahaa Dr. Abdirahim Garuun. Waxaanu isla bartan ka faafinay xili uu ku guulaystay kaalinta labaad ee ciyaarta chessta isagoo u ciyaaraya jaamacada Makerere University

Dr. Abdirahim Garuun wuxuu ka mid noqday shanta arday ee ugu saraysay galaaskooda oo ka koobnaa 28 arday.

 

Dr. Abdirahim Garuun waa aqoonyahan reer Gabiley ah, oo waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sareba kusoo qaatay magaalada Gabiley. Sidoo kalana waxa uu waxbarashadiisii heer jaamacadeed kusoo qaatay Jaamacada xaananada xoolaha ee ku taala magaalada Sheekh, hadana waxaa uu cilmiga Dhakhtarnimada xoolaha kusoo diyaariyey Jaamacada Makerere University.

Jaamacada Makarere ayaa ah mid kamida jaamacadaha ugu fiican Jaamacadaha bariga iyo badhtamaha Africa ay adagtahayna sida loogu booro

Hambalyo ayaan leenahay Dr. Abdirahim Garuun iyo saaxiibadiiba waxaanan ku guubaabinaynaa in uu waxbarashada halkaas kasii wado. Waxaanan u rajaynaynaa guul.





Contact@afkashacabka.com