Mataano shan iyo labaatan jirsaday oo ku nool Magaaladda Arabsiyo ee Galbeedka Hargeysa iyadoo lagu arkay mucjisooyin aan hore loo maqal,

0
Saturday March 22, 2014 - 12:42:51 in by Super Admin
  • Visits: 1645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mataano shan iyo labaatan jirsaday oo ku nool Magaaladda Arabsiyo ee Galbeedka Hargeysa iyadoo lagu arkay mucjisooyin aan hore loo maqal,

    kuwaas oo ay soo heleen wariyayaal tababar uga socdo xarunta hay'adda Free Press ee Hargeysa, waxaanay la soo yeesheen waraysi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kuwaas oo ay soo heleen wariyayaal tababar uga socdo xarunta hay'adda Free Press ee Hargeysa, waxaanay la soo yeesheen waraysi.


Magaaladda Arabsiyo ee Galbeedka Hargeysa ayaa lagu arkay Mataano shan iyo labaatan jirsaday oo la nool mucjisooyin aan hore loo maqal, kuwaas oo ay soo heleen wariyayaal tababar uga socdo xarunta hay’adda Free Press ee Hargeysa, waxaanay la soo yeesheen waraysi.


Mid ka mid ah suxufiyiinta tababarkaas ku jira ayaa sheegay in laba hablood oo mataano ah oo la kala yidhaahdo Sahra Cilmi iyo Xaliimo Cilmi ay yihiin kuwo la nool Mucjisooyin la yaab ku noqday Nolosha ay ku jiraan oo ah mid aan hore loo arag, taasoo soo jiidatay cid kasta oo maqasha.

Mataanahan ku nool magaalada Arabsiyo ayay Hooyadood u sheegtay war-fidiyeenada in ay shan jirkoodii ku aragtay calaamadaha illaa had aka muuqda labadan hablood ee shan iyo labaatan jirsaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin in ay Maskaxdoodu wada shaqayso oo midi waxa ay is tidhaaqabo ta kalena sidaas oo kale ay qabanayso oo aanay kala hadhayn.

Tusaale ahaan haddii midkood mafiiq qaadato takalena ay qaadanayso oo ay mar kali ah shaqada wada qabanayaan, iyagoo marna wada bilaabaya marna wada dhamaynaya.

1608473_738338192853654_22098722_n

Mataanahan mucjisooyinka kale ee laga soo wariyey ee ay muujianayaan Sawirada laga sooq aaday wax aka mid ah in ay Da’ahaan yihiin shan iyo labaatan jir, hase yeeshee muuqaalkoodu aad uga weyn yahay, iyagoo ka dhashay qoys Sabool ah oo aan Hanti ay ku daryeelaan haysan.


Hablahan Mucjisada la nooli ma ogola in qof kale dhex galo oo dhex istaago, waxaana taas isku dayey wariyaha waraysiga la soo yeeshay oo ugu tag waayey in uu isla sawiro isagoo dhex taagan.

Mataanahan shan iyo labaatan jirsaday ayaan Karin Karin cuntada ay quutaan, waxaana ilaa wakhtigan quudisa Hooyadoodu bislaysa saddexda wakhtiba.

Gabdhahan ayaa muuqaal ahaan aad isugu eg oo aan la kala garanayn, dhibaatooyinka haystana wax aka mid ah haddii midkood xanuunsato, takalena way la xanuunsanaysaa oo waxay u baahanayaan Dawo isku mid ah, maadaama Maskaxdooda iyo Jidhkooduba mar wada shaqaynayaan.

Wariyaha Hablahan booqday oo la yidhaa Aadan Shardi ayaa ka diyaarinaya Barnaajim uu ugu talogalay Idaacad baahisa Barnaamijyada Hay’adda Free Press, waxaana la filayaa in dhawaan la baahiyo.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com