
Boqor Buur Madaw Oo Xukuumada Uga Tacsiyadeeyey Eedaymo Loo Jeediyey Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Sheegayna Inuu Xaal Ka Bixinayo -
Hargeysa(HWN):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa xubin ka mid ah golaha wasiirada somaliland si adag ugu canaantay eedayn ay u jeediyey madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Boqor Buur Madaw oo maanta ka hadlayey kulan laga hadlayey sidii ay haweenka laga tirada badan yahay uga qayb gali lahaayeen talada dalka oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay wax laga xishoodo tahay in eedayn loo jeediyo madaxweynihi hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo uu sheegay inuu dalkan sumcad iyo qadarin badan ku leeyahay.
Ugu horayn boqor Buur Madaw oo ka hadlaya wax qabadka xukuumada iyo safarkii madaxweynaha ayaa waxa uu yidhi "Waxaan xukuumada uga mahad naqayaa wax qabadka badan ee ay samaysay, anigu xukuumadana waan toosiyaa oo waan la hadlaa mucaarikduna wuu u tirsadaa, markaan sidaa leeyabay waxaan arkaa mararka qaarkood inaanay mucaaridku taaban meelaha ay xukuumadu dhaliisha ku leedahay ee ay ugu badinayso, waxaan maqlayey mucaaridka oo ka hadlaya madaxweynuhu meel hebla umuu hoyan iyo meeshaas si fiican umuu marin, anigu safarkii madaxweynaha waan hanbalyeeyey meel qudha ayuu dhaliil ku lahaa mucaaridkuna kamay hadal, xukuumadana waan uga tacsiyadaynayaa inay meeshaas ku dhacdo.” Ayuu yidhhi Buur Madaw
Boqor Buur Madaw oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahiiyey eedaymihii loo gaystay madaxweynihii hore waxaanu yidhi "Meeshaasi waxay ahay markii madaxweynuhu xadhiga ka jarayey waxyaalihii qiimaha badnaa ee laga hir galiyey dekeda Barbera ee horu marka ahaa ee ay xukuumadu ku talaabsatay ayaa nin wasiir ah oo madaxweynihiisii sharafta badnaa dhinac fadhiya ayaa waxa uu ku aflagaadooday madaxweynihii hore ee qaranka soo maray Daahir Rayaale Kaahin oo qarankan sharaf sumcad iyo horu marba gaadhsiiyey wuxuu kaga hadlay inuu tuug ahaa lacagta guriga dhigta,waxaann leeyahay waxay ahayd inay arinkaas xukuumadu raali galin iyo xaal ka bixiso, madaxweyne tdaahi rayaale taariik h aaanay dalkan cidi gaadhsiin ayuu gaadhsiiyey afar doorasho ayuu dalka ka qabtay, rag badan oo imika xukuumadan dhinacyada hayana wuu ka tagay haday tahay maareeyaha dekada Berbera iyo wasiirka arimaha gudaha waxaanan filayaa inaanay xukuumada maanta uga baahnayn udud inay u ducayso, balse ay roel , daahir rayaale sharaf ayuu inaga mudan yahay, maantana maaha in wasiiradii ugu cus cuslaa xukuumada maantu inay madaxweynaha soo dhinac fadhiistaan inay af lagaadeeyeen madaxweynihii hore arintaasi maaha mid fiican dhaqana way inoo noqon oo madaxweynaha maantuna marka uu ka tago sidaas ayaa loo caayi, Madaxweyne Daahir Rayaale sharaf ayuu inaga mudan yahay arintaasna xaal ayaan ka siinayaa, dad badan oo hadaanu nahay dhaqankiina nala soo xidhiidhay ama siyaabo kala duwan noo waydiiyeyna raali gelin iyo xaal ayaanu siinaynaa, xukuumadana waxaanu leenahay in laydin kaga daydo wax qabadka oo wax badan oo qabateen ayaad leedihiin laakiin dhaliil iyo cay nin aan idinka mudnayn maanta idiinma fiicna arintaasna aad ayaan uga tacsiyadaynayaa.” Ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw
Contact@afkashacabka.com
Boqor Buur Madaw Oo Xukuumada Uga Tacsiyadeeyey Eedaymo Loo Jeediyey Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Sheegayna Inuu Xaal Ka Bixinayo -
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa xubin ka mid ah golaha wasiirada somaliland si adag ugu canaantay eedayn ay u jeediyey madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin.