
Burco: Xukuumadda oo is hortaag ku samaysay Wefti uu hogaaminayey Jamaal Ali Husein iyo taageerayaasha ucid oo horkacaya weftiga jamal ali husein oo saaka xoog ku galay Burco.
Wefti Ballaadhan oo uu hogaaminayo Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID jamal Ali Husein iyo Kuxigeenkiisa Cabdirashiid Xasan mataan ayaa saaka soo gaadhay Magaalada Burco Ee xarunta Gobolka Togdheer.
Weftigan oo saaka ka soo jarmaaday Magaalada Hargeysa ayaa lagu hakiyey Kaantaroolka Degmada Sheekh, iyadoo muddo saacad ah kadib na loo soo daayey kadib markii badhasabka Gobolka Togdheer, kuxigeenkiisa iyo taliyaha qaybta boolisku ay kaga hortageen degmadaasi Sheekh, waxayna ku amreen inaanu gudaha u gelin magaalada burco balse uu ku ekaado Hotel cigaal ee magaalada Burco oo ku yaala Duleedka magaalada Burco una dhow kaantaroolka laga soo galo magaalada Burco.
Markii weftiga murashaxu soo gaadhay Hotel cigaal agagaarkiisa waxa la arkay ciidamo tiro badan oo dhooban Halkaasi , Kadiba waxa baabuurta ka soo daatay Taageerayashi xisbiga ucid iyo dadweynihii soo dhoweynayey murashaxa oo u badnaa Dhalinyarada Gobolka, waxanay Xoog ku jiidheen ciidankii goobtaas joogay, badhasabka gobolka togdheer maxamed muse diiriye ayaa ciidankiisa amar ku siiyey inaanay wax xabbad ah ridin, waxana murashax jamal ali husein iyo murashax cabdirashid xasan mataan la saaray xaajiyad ka mid ah baabuurtii weftiga dusheeda, halkaasoo la arkayey in ciidanka oo rasaas ku fiiqaya weftiga uu murashax jamal ali husein iyo taageryashiisa oo iska buuxiyey baaburkasi ay ku lahaayeen "Soo Rid Soo rid iyo Car car madaa ku dhaca iyo ereyo la mid ah”
Waxa intaasi kadib weftiga lagu hakinayey kolba gooladaha magaalada gudaheeda ah iyadoo ay taageryaasha xisbigu ka diideen badhasabka iyo xukumaddiisa is hortaagii ay is lahayd ku same weftiga, waxana lagu soo wareejiyey weftiga si nabadgelyo ah guud ahaanba magaalada burco.
Kadib waxa loo gelbiyey dhinaca xafiska xisbigu ku leeyahay burco halkaasoo ay dadweynaha kala hadleen murashaxa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee xisbiga Ucid , waxayna dadweynaha ugu baaqeen inay nabadgelyada ilaaliyaan iyagoo u sheegay inaanay u rumayn belaayada ay dawladdu u yeedhanayso isla markaasna is dejiyaan, wuxu sheegay md jamal ali husein in xukumaddu ay doonayso in gobolada dalka fiisayaal loo kala goosto, isagoo shacabka reer burco ku ammaanay diidmada ay kala hor yimaadaan go’aanka raqiiska ah ee xukuumadda.
Magaalada burco oo ah magaalo xamaasadeed ayaa manta isu arkaysay magaalo rikoodhka jabisay, kadib markii weftigii saaka loogu tagay sheikh ee la doonayey inaanay magaalada gelin ay si xamaasad leh ku galeen.
Afkashacabka.com
Burco / Office
Burco: Xukuumadda oo is hortaag ku samaysay Wefti uu hogaaminayey Jamaal Ali Husein iyo taageerayaasha ucid oo horkacaya weftiga jamal ali husein oo saaka xoog ku galay Burco.
Burco: Xukuumadda oo is hortaag ku samaysay Wefti uu hogaaminayey Jamaal Ali Husein iyo taageerayaasha ucid oo horkacaya weftiga jamal ali husein oo saaka xoog ku galay Burco.