Daawo:Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Shirkii uga Socday Laascaanood Soo Gebogabaysay iyo Wasiir Xaglatoosiye oo Daaha ka rogay in Gobolada Sool iyo Sanaag ka Liitaan Dhinaca Caafimadka

0
Sunday February 01, 2015 - 16:55:20 in by salman abdi
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Shirkii uga Socday Laascaanood Soo Gebogabaysay iyo Wasiir Xaglatoosiye oo Daaha ka rogay in Gobolada Sool iyo Sanaag ka Liitaan Dhinaca Caafimadka

    Wasiir Xaglotoosiye ayaa Bulshada Gobolada bari u ballanqaaday inay Muhiimad gaar ah siinayaan Goboladaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Xaglotoosiye ayaa Bulshada Gobolada bari u ballanqaaday inay Muhiimad gaar ah siinayaan Goboladaasi

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, iyo Masuuliyiinta kale ee Caafimaadka oo wali ku guda jira Socdaalkooda Gobolada Sanaag iyo Sool,ayaa Mashaariic ka dhagax dhigay Ceerigaabo iyo degaano hoos yimaada. 

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale soo gabogabeeyay Shirarkii Qorshaha Caafimaadka oo markii u horaysay gobolka Sool iyo Sanaag lagu qabtay.


Wasiir Xaglotoosiye ayaa Bulshada Gobolada bari u ballanqaaday inay Muhiimad gaar ah siinayaan Goboladaasi "Wasaarad ahaan,annaga oo ka duulayna Siyaasadda Xukumadda uu hogaaminayo Mudane Axmed Siilaanyo, oo ah in Degaamada Somaliland dhamaantoodba la gaadhsiiyo Caafimaadka,In Qofkasta oo Somaliland ahiba helo Adeeg Caafimaad, Hooyo kasta iyo Ilmo kasta loo geeyo daryeel Caafimaad.

cc242c4454cbeb1991ae5ac770f5fbee_L

Siyaasadda Madaxweynaha oo Qodobadaas ku salaysan annaga oo ka duulayna waxaa naga go’an, inaanu meel kasta inta Awoodayada ah gaadhsiino adeegyada Caafimaadka.waxa kale oo Wasaaradda Mudnaan u ah,Gobolada Sool iyo Sanaag oo runtii ka dambeeya Gobolada kale, dhinacyada adeegyada Bulshada gaar ahaana Caafimaadka,taasna Mudnaanta koowaad baanu siinaynaa Insha Allah.Madaxweynuhuna wuu nagu amray inaanu Mudnaanta siino Goboladaas xagga Caafimaadka ka dambeeya Gobolada kale” ayuu yidhi Wasiir Xaglotoosiye.
Dhinaca kale waxaa Gobolada Sool iyo Sanaag lagu soo gabogabeeyay Shir Sannadeedka lagu lafo gurayay Qorshaha sannadka 2015-ka ee Wasaaradda Caafimaadka oo markii u horaysay lagu qabtay Meel ka baxsan Caasimada Hargeysa. Waxaa qodobada ugu waaweyn ee ka soo baxay kulamadaasi ka mid ahaa in la hagaajiyo hab maamulka Caafimaadka iyo In Maamulka ugu sarreeya ee Wasaaraddu ku xidhnaado Gobolada iyo Degmooyinka islamarkaana Socdaalo ku maro kana war hayo Xaaladdaha Caafimaad ee degaamada shaqadu ka socoto.


Asxaabta Mucaaradka ah iyo dadka Siyaasadda Xukumadda Dhaliila ayaa Wasiirka Caafimaadka ku amaanay Shaqada Caafimaadka ee uu ka hayo degaamada bariga iyo sidoo kale sida uu Bulshada uu metelo ugu noqday. 



Contact@afkashacabka.com