Guddomiye Cirro oo Xoghayaha Golaha Wakiilada Ka tacsiyadeeyey Geerida Walaalkii iyo Raisulwasare Sharmarke oo Tacsiyadeyey Mid ka mid ah Aqoonyahanadi Wax ka Qoray Afsomaliga o ku geeriyoday muqdisho

0
Sunday February 01, 2015 - 18:25:39 in by salman abdi
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo Xoghayaha Golaha Wakiilada Ka tacsiyadeeyey Geerida Walaalkii iyo Raisulwasare Sharmarke oo Tacsiyadeyey Mid ka mid ah Aqoonyahanadi Wax ka Qoray Afsomaliga o ku geeriyoday muqdisho

    Allaah u naxaiistee Xuseen Sheekh Axmed Hillowle (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahannadii wax ka qoray Farta Af-Soomaaliga ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah u naxaiistee Xuseen Sheekh Axmed Hillowle (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahannadii wax ka qoray Farta Af-Soomaaliga ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.


Marxuumka oo muddooyinkii dambe xanuunsanaa, ayaa ku geeriyooday Cisbitaalka ku yaalla caasimadda Muqdisho, ka dib markii laga soo celiyey dalka Imaaraadka Carabta oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Marxuumka ayaa intii aan loo qaadin Imaaraadka wuxuu jiifay cisbitaalka uu maanta ku geeriyooday oo lagu magacaabo Ummadda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay gaaridii naxdinta lahayd ee ku timid allah ha u naxariistee marxuum Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna eebe uga rajeeyay in uu ka waraabiyo naxariistiisa janno.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa shaqsi door muuqda kasoo qaatay qoraalka afka Soomaaliya.

"Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya,waxaan Alle uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo Marxuum Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo wax badan ay ku xasuustaan dadka Soomaaliyeed”ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in Dr. Kadare lagu xasuusan doono qoristii afka Somaaliga, suugaanta iyo halgankii xornimo doonka.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna hoggaamiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Tacsi u diray Ehelada Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Siciid Ayaanle oo ku geeriyooday degmada Gar-adag.


Dhambaalka Tacsida ah ee Guddoomiye Cirro ayaa u dhignaa sidan "Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii, gaar ahaaan,Reer Siciid Ayaanle oo aan ka tacsiyadeynayo geerida ku timi Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Siciid Ayaanle oo ku geeriyooday Magaalada Garadag ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan waxaan tacsidan u dirayaa Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, waxanan leeyay ilahay samiir Iyo imaan ha idinka siiyo qoyska iyo qaabada Marxuunkan ka baxay, isagana Eebe Janada Farduusa ha ka siiyo Aamiin aamiin aamiin….”