Madaxwaynihii Hore Ee Jarmalka Oo Geeriyooday Iyo Xasuusta Uu Ku Leeyahay Dalka Somalia

0
Sunday February 01, 2015 - 18:31:54 in by salman abdi
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynihii Hore Ee Jarmalka Oo Geeriyooday Iyo Xasuusta Uu Ku Leeyahay Dalka Somalia

    Madaxweynihii hore ee Jarmalka, Richard Weizsäcker ayaa geeriyooday, wuxuuna ku geeriyooday da'ada 94-sano Jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Jarmalka, Richard Weizsäcker ayaa geeriyooday, wuxuuna ku geeriyooday da'ada 94-sano Jira.

Weizsäcker ayaa dalka Jarmalka xukumayay muddo 10-sano 1984-kii illaa 1994-kii.


Richard Weizsäcker ayaa ku dhashay 15-kii April, 1920-kii; Stuttgart. Isagoo ka mid ahaa askartii ka qaybgalay dagaalkii labaad ee adduunka. Dagaalka kaddib ayuu sharciga iyo taariikhda bartay. Wuxuuna qabtay jago wasiirnimo ah, wuxuuna ka shaqeeyay difaaca aabbihiis, Baron Ernst von Weizsäcker oo lagu eedeyay dembiyo dagaal.

 

2015131635582913556567070Bild8

 

Weizsäcker ayaa sannadkii 1953-kii guursaday Marianne von Weizsäcker oo u dhashay saddex wiil iyo gabadh. 1954-kii ayuu noqday Weizsäcker xubin ka tirsan Jamhuuriyadda federaalka Jarmalka.

Sannadkii 1969-kii waxaa loo doortay inuu noqdo duqa Bundestag, wuxuuna hayay tan iyo sannadkii 1981-kii. Isla sannadkaas ayaa waxaa loo doortay in uu noqdo duqa magaalada Berlin.
Xilligaas kaddib ayaa loo doortay madaxweynaha Jarmalka Richard Weizsäcker, wuxuuna xilka madaxweynenimo ee dalka Jarmalka hayay muddo 10-sano ah, isagoo ahaa mas’uul si weyn looga jeclaan dalkiisa.

Madaxweynihii hore ee Jarmalka ayaa isagoo madaxweyne ah wuxuu ku yimid booqasho Somalia sannadkii 1988-kii, iyadoo loogu soo dhaweeyay si heer sare ah, isagoo kulammo la qaatay madaxweynihii hore ee Somalia Jen. Maxamed Siyaad Barre. 



Contact@afkashacabka.com