Bangi Ku Yaalla Maraykanka Oo Daboolka Ka Qaaday In Uu Xidhayo Akownadii Xisaabaadka Ee Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida

0
Sunday February 01, 2015 - 22:54:53 in by salman abdi
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangi Ku Yaalla Maraykanka Oo Daboolka Ka Qaaday In Uu Xidhayo Akownadii Xisaabaadka Ee Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida

    Bangiga Merchant Bank, oo ka mid ahaa Bangiyadii ugu danbeeyay dalka Maraykanka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangiga Merchant Bank, oo ka mid ahaa Bangiyadii ugu danbeeyay dalka Maraykanka,

Bangiga Merchant Bank, oo ka mid ahaa Bangiyadii ugu danbeeyay dalka Maraykanka, ee ay xawaaladaha Soomaalidu xidhiidhka la lahaayeen ayaa ku wargeliyay Xawaaladaha Soomaalida, in uu Lixda, bisha Febaury, ee sannadkan 2015-ka, uu gebi ahaanba xidhayo Akownadii xisaabaadka ee ay xawaaladahaasi ku laahaayeen bangiga, sidaana waxa uu Bangigu ku sheegay warqad qoraal ah oo rasmi ah oo uu bangigu khamiistii soo gaadhsiiyay xawaaladahaa xidhiidhka la lahaa.

Bamgiga Merchant Bank, ayaa ahaa bangiga ugu badan ee 80%, qaban jiray xawilaada caalamiga ah ee ay xawaaladaha Soomaalidu ay ku diri jireen lacagaha ay dadka Soomaalida ahi ay u diraan qoysaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo asxaabtooda ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadahaba, waxaanu go'aankani saamayn xoog leh ku yeelan doonaa nolosha malaayiin Soomaali ah oo ku sigan gudaha dalka oo ay dadkoodu lacago ay ku noolaadaan uga soo diri jireen wadamada dibadaha.

 

Sidoo kale Bangiyo ku yaalla dalalka Maraykanka, Britain, Australia, iyo dalal kale oo Europe ku yaalla ayaa hore u shaaciyay in ay xidheen Akownadii xisaabaadka ee ay lahaayeen xawaaladaha Soomaalidu.

Hay'adda caalamiga ah ee OXFAM, ayaa hore u sheegtay in bangiyadan xidhay ama xidhaya akownadii xisaabaadka ee xawaaladaha Soomalidu, uu galaafan doono nolosha gargaarkii ay heli jireen dadka Soomaalida ah oo noloshoodu ay si weyn ugu tiirsanayd lacaga looga soo diro wadamada dibadaha.




Contact@afkashacabka.com