"xuska 2da February waxa ay asaas U tahay Astaanka Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaan Hambalyo u dirayaa Dhamaan Ciidanka Qalabka"Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

0
Monday February 02, 2015 - 08:51:24 in by Burco Office
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "xuska 2da February waxa ay asaas U tahay Astaanka Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaan Hambalyo u dirayaa Dhamaan Ciidanka Qalabka"Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

    Hargaysa(Afkashacabka)Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, aabihii kamid ahaa Saladiintii ka shaqeeyay qaramayntii maleeshiyaadka, ayaa ka hadlay Maalinta oo ku Beegan Maalintii Hubka Lag Dhigay Jab-hadihii Hubaysanaa ee loo Badalay Ciidanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Afkashacabka)Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, aabihii kamid ahaa Saladiintii ka shaqeeyay qaramayntii maleeshiyaadka, ayaa ka hadlay Maalinta oo ku Beegan Maalintii Hubka Lag Dhigay Jab-hadihii Hubaysanaa ee loo Badalay Ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxa uu sheegay In Maalintani tahay Maalin Qiimo iyo Qaayo u leh Bulshada Somaliland oo ay ka Bad-baaday Somaliland Qab-qablayaashii Dagaal Ee Ragaadiyay Dawlada Somaliya iskuna Badashay Dal Nabad Ah.
Suldaanka waxa uu baaq u diray Suldaanka Buuraha Galay isaga oo u soo jeediyay inuu Tabashada u qabo Xukuumadu u Garaabto Gogol Nabadeedna u fidiso,waxaana uu Ka dayriyay Xaalka ay ku jiraan Dhalinyarada somaliland.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Ayaa Ugu Horayn waxa uu ka hadlayaa Maalintan Waxa ay uga dhigan tahay Shacabka Somaliland.
"Maalinta Bisha Labadeed February,Waxa ay ku beegan tahay 1994 bisheedii Labaad Maalintii Hubkii ugu Horeeyay Lawareejiyo,isla markaas waxa ay asaas U tahay Astaanka Ciidanka Qaranka Somaliland,Marka Hore waxaan Hambalyo u dirayaa Dhamaan Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliland iyo Madaxda Qaranka oo uu ugu Horeeyo Madaxwaynaha Somaliland iyo Dhamaan Shacabka oo Aan leeyahay Nabad Galiyadan Aad ku jirtaan Ilaahay Sanadkan Sanadkiisa Haynu Gaadhsiiyo.
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.

"Maalintan Hadaan wax yar ka Taabto waa Maalinta ina Kala ka xaysay inaga iyo Koonfur,waa Malinta aynu ka Bad-baadnay in ay Naga Dhex Dilacaan Qab-qab-layaal Dagaal,Waana Maalinta Aynu ka Bad-baadnay Hadaanta Ay ka Duushay Somaliya.
Dhinaca kale waxa uu suldaanka ka hadlay wixii Nabad Galiyada Khal-khal Galinaya in meel Adag looga soowada Jeesto,Arin iyo Aduunbana Lagu bixiyo Si Aanay Nabada Somaliland u Dhaawac-min.

"Halkan waxaan Doonayaa inaan Talooyin Uga soo jeediyo Suldaan Abibakar Wabar U hadli Maayo Runtii Sida ay Dadka Kale ula Hadleen Suldaanka,Kolay Dhamaystir Aduun Markasta Majiro Hadaad Wax hesho wuxuunbaa Kaa Maqan,Sidaas ayaa Markaa Tabasho Aduun Markasta u jirtaa,Markaas Layaabi Maayo Suldaanka iyo intii Lafikiriba waxa ay Tabayaan Somaliland oo dhami ictiraaf ayay Tabaysaa,Lab Qoys Wada Dagan Ayaa wax tabaya.
waxa uu intaas ku siidaray isaga oo lasii hadlaya Suldaanku”Suldaan waxaan ku leeyahay Yaanay Tabashadu kula Fogaan Magacaaga u tudho Ayaan ku oron lahaa,Xukuumada Waxaan odhan Lahaa Mid Talo ah,waa inaad soo dhawaysaan Suldaanka iyo wixii talo ah ee wax lagu xalinayo,Magac Sandalada waa in markasta la ilaaliyo Raga Hadalada Qalafsan Hawada u marinayaana ilaaliyaan,Kolay Tabashada Aad qabto in Badan oo reer Somaliland Ah oo qabta Ayaa jirta lakiin Taada Sidii Awalba Aynu u dhamaysan Jiray Ayaa Lagu dham
ee yn.

Sidoo kale Suldaanku waxa uu ka Dayriyay Xaalada Dhalinyarada Reer Somaliland Ay ku jiraan Oo Intoodii Badnayd Ka Socdaalay Dalka Intii soo hadhayna Ay faash iyo Kooxa kooxa isku laynayaa waxaana uu Baaq u diray.

"Dhalinyaradii ayaad Moodaa in ay Gacan kale ku dhex jirto Oo Dalkii way ka Tahriibayaan,Hadaan Tusaale ku Soo qaato Nin Ayaan Beer u dhiibtay aan leeyahay Ninkii Waa Orom Waxaan Ogaaday in Ninkani Tahriibiyo Dhalinayaradeena Oo Ay is dhaafinayaa Boqolkiiba Boqol iyagaa kaxeeya,Intii soo hadhayna Qiyamkii ayaa Laga Lumiyay waxaan Muhiim Ah in layska Kaashado Sidii Loo Hagaajin Lahaa.
Ururkii Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa waxa uu suldaanku sheegay inuu ku dhex Bururay Garab Salaadiin Ah iyo Garab Xukuumada Ka tirsan isaga oo soo jeediyay Madax Banaanidooda Lasiiyo Ururka Dalada Sonyo waxaana uu yidhi.
"Hadafkoodii iyo Himiladoodii waxa ay ku dhex luntay Dhalinyarada Kala Raacista ay Xukuumadu laka Safatay,waxaana Soo jeedin lahaa in Odayaasha Dhalinyarada iyo Bulshada somaliland In ay u guntadaas sidii Layskugu soo celin lahaa Ururka Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo.

Xukuumada Waxa uu soo jeediyay in ay Gacanta ku dhigto hoosna u soo dejiso Sixir Bararka iyo Maceeshada oo hawada Martay,waxaana uu ganacsatada usoo jeediyay in ay u daneyaan Bulshadooda Danyarta Ah Xukuumada waxa Faray in ay Cashuurta ka dhinto Arimaha Qutul Daruurig ah.
Warbaahinta Madax Banaan iyo Kuwa Dawliga Ahna Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax u soo jeediyay In loo Adeegsado Dhinac wanaag.

Hargeysa/Office

Somaliland

markabkii  MV shaakir ee saanada Hubka ah ee kala Duwan Kula soo xidhay Dekada Berbera Bishiio Desember 24keedii ayaa habeenkii xalay ahaa Xili danbe oo ku Dhawayd Kow iyo tabankii habeenimo  Laga Rogay saanadaa Milatari ee sida sharci darada ah ula soo galay Dekada  Berbera, Waxaana Goob ka ahaa wasiirka arimaha gudaha somaliland  Cali Maxamed Warancadae sida iloo Xogo,gaal ahi Sheegeen oo xilgaa ku sugnaa dekada berbera.

http://www.allxiiso.com/wp-content/uploads/2015/02/hubka-casriga-ah-ee-markabka-berbera-saaran-1.jpg

saanadan ayaa sida ay u xaqiijiyeen hadhwanaagnews  goobjoogayaal  ka  koobnaa, labo baabuur oo ah Nooca aan rasaastu karin, Labo baabuur ooah nooca xambaara gantaalaha Rockit ka ah, Qori wayn oo Madfac ah, iyo waliba saanad kale oo milatari.

style=" 500px;">
http://www.allxiiso.com/wp-content/uploads/2015/02/hubka-casriga-ah-ee-markabka-berbera-saaran-2.jpg

markabkan iyo kabtan ka  watayba waxa la Filayaa in isniinta Lasaaro maxkamad ,maadaama ay Si sharci daro ah oo aan Ogaysiis lahayn ay kusoo galeen Dekada Berbera.

http://www.allxiiso.com/wp-content/uploads/2015/02/hubka-casriga-ah-ee-markabka-berbera-saaran-3.jpg

Xukuumada Somaliland ayaa tobankii casho ee u danbeeyay baadhitaan Qoto dheer u gashay  Hubakan iyo halka loo waday waxaana la filayaa in  manta  Masuuliyiinta Somaliland la hadli Doonaan warbaahinta si ay Xogta ay

- See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=149174#sthash.FnypaU0l.dpuf