Ceel-biyood laga Hirgeliyay Deegaan ka Tirsan Magaalada Taleex (Daawo Sawirad )

0
Monday February 02, 2015 - 15:49:13 in by Burco Office
  • Visits: 1737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceel-biyood laga Hirgeliyay Deegaan ka Tirsan Magaalada Taleex (Daawo Sawirad )

    Ceel-biyood ayaa laga hirgeliyay tuulada God-aallo oo ka tirsan degmada Taleex ee gobolka Sool, taasoo 160-km ka xigta dhinaca waqooyi-bari degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceel-biyood ayaa laga hirgeliyay tuulada God-aallo oo ka tirsan degmada Taleex ee gobolka Sool, taasoo 160-km ka xigta dhinaca waqooyi-bari degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ceelkan oo ay qodidiisa iyo dhismihiisaba maal-gelisay hay’adda Norwegian People’s Aid (NPA) ayaa waxaa hirgelisay hay’ada wadaniga ah ee Steadfast Voluntary Organization (SVO), iyadoo la qoday 155-mitir sida uu sheegay Mire Faarax Hadhi oo ka mid ah hawl-wadeennada hay’adda NPA.

Madaxa xafiiska hay’adda NPA ee gobolka Sool, Shukri Xasan Badha-badha oo hadal ka jeedisay munaasabadda ceelka lagu wareejinayay ayaa sheegtay in ceelasha biyaha ee laga hirgeliyo deegaannada gobolka Sool ay dhibaatooyin soo wajahaan marka la wareejiyo.

"Khabiir baan ku noqonay deegaannadii aan ceelasha ka qodnay oo markaan ku wareejino dadka deegaanka lacag ayay xoolaha iyo dadkaba ka qaadaan. Haddii bir joogta 200 oo doolar ay ka xumaatana inta ay toban oday isku soo raacaan ayay hay’adda u yimaadaan,” ayay tiri Shukri, iyadoo hadalkeeda ku dartay in arrintaas oo kale laga digtoonaado.

Sidoo kale, Caaqil C/kariin Xasan Saalax Il-buur oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad-celiyey hay’adda NPA iyo hay’adda dhaqaalaha ceelka lagu qoday bixisay ee NPA, isagoo ballan-qaaday inay ku dadaali doonaan illaalinta ceelka.

Garaad C/salaam Xasan Maxamed oo isna hadlay ayaa xusay inay mas’uuliyadi ka saaran tahay ceelka, waxaanu kula dardaarmay dadka deegaanka inaanay ku noqon haraadkii ee ay dhaqaalaystaan.

"Mas’uuliyad ayaa iga saraan ceelkan furihiisa la igu wareejiyay, waana si gaar ah la igula xisaabtami doono; waxaana ina wada-saaran mas’uuliyad,” ayuu ku yiri hadalkiisa Garaad C/salaam Xasan, isagoo duco kusoo xiray.

Hay’adda NPA ayaa ceelal biyood ka qoday deegaano badan oo gobolka Sool ka tirsan; iyagoo sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo yareyn lahaa biyo la’aanta gobolka ka jirta.




Laascaanood/Office
Conatct@afkashacabka.com