Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Sheegay In Cidii Shidaal Jaban Dalka Keenta Ay Soo Dhawaynayaan.

0
Monday February 02, 2015 - 21:30:56 in by salman abdi
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Sheegay In Cidii Shidaal Jaban Dalka Keenta Ay Soo Dhawaynayaan.

    Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim, ayaa markii u horaysay ku baaqay inay u furan tahay cidii dalka keenaysa Shidaal ka jaban ka hadda Shirkadduhu keenaan. Wasiirka oo Maanta la kulmay Baarlamaanka ayaa markii uu ka soo baxay warfidiyeenna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim, ayaa markii u horaysay ku baaqay inay u furan tahay cidii dalka keenaysa Shidaal ka jaban ka hadda Shirkadduhu keenaan. Wasiirka oo Maanta la kulmay Baarlamaanka ayaa markii uu ka soo baxay warfidiyeennadu waydiiyeen sababta keentay in Somaliland laga dareemi waayo hoos u dhaca Qiimaha Shidaalka ee Dunida oo dhan laga dareemay, waxaanu ku jawaabay


"Waa run in Shidaalka dunidu hoos u dhacay, Innaga Shidaalkeenna, Baadroolka waxaa la siin jiray markii uu ugu qaali sanaa foostada 175 Dollar, imikana waxa la siiyaa oo Berbera laga siiyaa 150 Dollar,markaas aniguba waan arkayaa inaan Isbedel weyni aanu halkan ka dhicin”

Wasiirka oo sababaynaya waxa keenay inaanu hoos u dhicin Shidaalkuk waxa uu yidhi "Sida aan golahaba ugu sheegay horena umaanaan heli jirin Rasiidhada ama Invoice-yada ay wax ku soo Iibsadaan Qoladan Ganacsatada ah, haddana noomay keenin,iyaguna waxay sheegayaan inaanay waxba ka jabin, dee annaguna ma garan karayno Suuqan ay wax ka soo iibsadaan meel uu yahay”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay "Wax isbedel ah oo Muuqda may sheegin Shirkaddaha Shidaalka keena laakiin,annigu mar walba waxaan u diyaar ahay Shidaalku cidna uma xidhna, cid ganacsiga Shidaalku gaar ugu xidhan yahay ma jirto,annigu waxaan aaminsanahay cidii muwaadin ah ee Shidaal jaban keenaysa inay u furan tahay oo ay keeni karaan, looguna shubayo Haamaha Shidaalka, Muwaadiniinta wixii u jaban uun baa la qaadanayaa cidna loo xidhnaan maayo”


Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa sidoo kale la waydiiyay sababta markasta oo Ganacsatadu kor u qaado Qiimaha loo dareemo balse marka wax ka jabaan aanay dib ugu soo celin waxaanu yidhi "Markasta oo Miciishadu jabto waxaa waajib ah in Muwaadiniintu dareento inay wax jabeen laakiin, Todobaadkan waxaanu magacownay guddi qiimayn samaynaysa oo ay ku jiraan Wasaaradda Ganacsiga,wasaaradda Maaliyadda,wasaaraddaha kale ee ay khusayso,Rugta ganacsiga iyo dawladda hoose ee Hargeysa, markaa waxaa noo qorshaysan in la soo Ogaado Qiimaha ganacsatadu wax ku soo iibsato iyo waxay suuqa ka siinayaan, kaddibna haddii la arko inay sixir barar samaynayaan qiimo Macquul ah loo gooyo oo aan iyagana lagu tacadiyayn dadkuna dareemo inay wax ka jabeen, markaa waxaan filayaa in ilaa todobaadka dambe go’aan ka soo bixi doono”

Maadaama oo Ganacsiga Somaliland xor yahay, Xukumadduna aanay door muuqda ku lahayn waxaa Ganacsatada u noqotay arrin iska caadi ah in marka Suuqyada Caalamka Sixirku kaga kordho ay kordhiyaan Qiimaha ay Bulshada Somaliland kaga iibinayaan balse aanay hoos dib ugu soo celin marka Suuqyada Caalamka Maciishadu hoos uga dhacdo.




Contact@afkashacabka.com