Baraf Xoogan Oo Markale Ku Dhuftay Gobolo Ka Mid Ah Maraykanka iyo Walac Soo Wajahay Dad Dalkaasi

0
Monday February 02, 2015 - 21:38:08 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baraf Xoogan Oo Markale Ku Dhuftay Gobolo Ka Mid Ah Maraykanka iyo Walac Soo Wajahay Dad Dalkaasi

    Baraf xoog badan ayaa todobaadkii labaad ka da'aya qeybo kamid ah Waqooyiga iyo Bariga dalka Maraykanka. Duufaanahan barafka sita ayaa Axadii shalay ku habsaday magaalada Chicago ee caasimada gobalka Illinois halkaasi oo isu-socodkii hakad ku y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraf xoog badan ayaa todobaadkii labaad ka da'aya qeybo kamid ah Waqooyiga iyo Bariga dalka Maraykanka. Duufaanahan barafka sita ayaa Axadii shalay ku habsaday magaalada Chicago ee caasimada gobalka Illinois halkaasi oo isu-socodkii hakad ku yimid.


 

Baraf-NewYork-2015-3

Gobalka Illinois kaliya ayey hada ku sugan yihiin dad gaaraya 20 kun oo qof oo koronto la’aan heyso, kadib markii barafka uu jaray adeegii korontada.

Barafkan ayaa todobaadkii hore khasaare xoogleh u geystay magaalooyinka saaran bariga Maraykanka gaar ahaan magaalada weyn ee New York.

Baraf-NewYork-2015-2

 

 

 

Duufaanta Barafka Wadata ayaa lagu wadaa in Isniinta gaarto magaalada New York oo uu weli yaalo barafkii ay ka tagtay duufaantii todobaadkii hore.

Baraf-NewYork-2015-1

Magaalooyinka Chicago, Boston iyo New York ayaa Axadii shalay waxaa la joojiyey in ka badan 1000 duulimaadka diyaaradaha shacabka kadib markii cimiladu is-bedashay. Waxaana la filayaa in maanta oo Isniin ah dib loo dhigo duulimaadyo badan.



Xamse Fabregas

Contact@afkashacabka.com

Sudaan/Office