Xukuumada Somaliland, Oo Walaac Ka Muujisay Wadahadalada Somaliand Iyo Soomaliya, Baaqna U Diray Dawladaha Calamka

0
Monday February 02, 2015 - 21:50:38 in by salman abdi
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland, Oo Walaac Ka Muujisay Wadahadalada Somaliand Iyo Soomaliya, Baaqna U Diray Dawladaha Calamka

    Xukuumada Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka hadashay mawqifkeeda ku wajahan qodobadii ay ku heshiiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka hadashay mawqifkeeda ku wajahan qodobadii ay ku heshiiyeen


Xukuumada Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka hadashay mawqifkeeda ku wajahan qodobadii ay ku heshiiyeen shirkii Jabouti, dhawaan ku dhex maray Madaxweynayaasha Somaliland, iyo Somaliya, waxaanay xukuumadda Somaliland, ku eedaysay xukuumada Soomaliya in aanay xaqiijin karin qodobadii heshiiskii dhex maray labada dhinac, iyada oo xukuumada Somaliland, ay dalbatay in shirka labada dhinac dhex mari doona ay goob joog ka noqdaan dalalka caalamka ee daneeya mandaqada iyo dalalka jaarka ah-ba, sidaana waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo saxaafadda la hadlay, kaddib markii uu kulan la qaatay wefti ka socday Guddiga arrimaha dibada u qaabilsan Baarlamaanka Europe.

Wasiir Biixi, oo ka soo laabtay safar uu ku maraayay dalal ka mid ah Europe, iyo dalka Ethiopia, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay in aan la siku halayn karin in dawlada Soomaaliya ay xaqiijiso heshiiska dhex mara Somaliland, iyo Soomaliya, waxaanu ku eedeeyay xukuumada Somaaliya, in ay daba marayso wadahadalada laba dhinac, waxaanu yidhi,

 

''Waxa muhiim ah oo in ay wadahadalada Somaliland, iyo Somaaliya ay goob-joog ka noqdaan wadamada gobalka iyo kuwa caalamkuba, sida dalalka Britain, Denmark, Sweden, Imaaraadka Carabta, iyo dalalka ku bahoobay Urrur goboleedka IGAD.

Wasiir Biixi, waxa uu sheegay in ay doonayaan in Somaliland iyo Soomaaliya, ay noqdaan laba wadan oo deris ah, oo si wallaalnimo ah kuwada noolaada, waxaanu xusay in aanay Somaliland, marnaba dib uga laaban doonin gooni-isutaaga ay Somaliland, hore u gaadhay.


Contact@afkashacabka.com