Iyadaa i beddeshay! WQ: Muna Axmed Cumar

0
Tuesday February 03, 2015 - 17:13:28 in by salman abdi
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iyadaa i beddeshay! WQ: Muna Axmed Cumar

    Iyadaa sidan aan ahay iga dhigtay. Iyadaa i bartay inta aan aqaan maanta. Iyadaa aniga i kiin bartay idinkana i kiin bartay aniga oo iskeen bartay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadaa sidan aan ahay iga dhigtay. Iyadaa i bartay inta aan aqaan maanta. Iyadaa aniga i kiin bartay idinkana i kiin bartay aniga oo iskeen bartay.


Iyadaa adduunka ku bartay, aakhiro kaaga sheekaysay. Iyadaa qofka aad tahay kuu sheegtay, waajibkaaga kuu sheegtay, garashadaada kuu sheegtay, hankaaga kuu tilmaantay, himiladaada kuu qeexday, hiigsigaaga kuu bidhaamisay, waxa aad tahayna kuu sharraxday.

Iyadaa nolosha baallaheeda ku bartay, iyadaa nolosha waayaheeda kaaga sheekaysay. Iyadaa dadka ku kala bartay. Hab fikirkaaga iyadaa door wayn ka cayaartay. Hab-nololeedkaaga iyadaa qayb muhiim ah ka ciyaartay. Indhaha iyadaa kuu dillaacisay oo ku tidhi indhaha fur oo eeg hareerahaaga ogowna koonka. Noloshaada qayb muhiim ah ayay kaga jirtaa oo iyada ayaa kuu suurogalisay in aad qoraalkan akhrido oo aad fahanto.

Adigu waad haysataa balse ka aan haysan maxay awood kala maqan tahay? Maxay karti kala maqan tahay? Maxay fikir kala maqan tahay? Maxay xeelad kala maqan tahay? Maxay hab kala maqan tahay? Maxay qorshe kala maqan tahay? Maxay iftiin iyo qurux kala maqan tahay?

Nolosheenna door wayn ayay ka ciyaartay. Aqoontu iyada ayaa bini’aadamka kala faddishay.



Muna Axmed Cumar

Bahda Hiil Qalin

Hargeysa, Somaliland

Muna_gafaneh@hotmail.com