Miyaan ajanabi u baahnahay?: w/q jibriil jirde abdi

0
Tuesday February 03, 2015 - 17:24:14 in by salman abdi
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyaan ajanabi u baahnahay?: w/q jibriil jirde abdi

    Waqtigu waa duhur xilliga socodka iyo dhaqdhaqaaqu yaraadaan, ee dumarka iyo ciyaalku seexdaan ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqtigu waa duhur xilliga socodka iyo dhaqdhaqaaqu yaraadaan, ee dumarka iyo ciyaalku seexdaan ,

 raga waaweyn iyo qaar ka mida dhalinyaraduna ay u holadaan sidii ay merfishka u fadhiisan lahaayeen ee ay cagaha u fidsan lahaayeen yaab!

Bulsho aamintay in haday waqtigaa gaadho aan wax shaqo ah la qabanin, laakiin cakiskeeda waxaan la kulmay oo arkay rag ajaanib ah oo ka shaqaynaya qaar ka mida dhismayaasha wadnaha magaalada hargeysa, waxaa markiiba maskaxdaydu isweydiisay .Ragani ma bini`aadam baanay ahayn ? miyay idinka xoog badan yihiin? Miyay idinka karti badan yihiin? Miyay waalan yihiin? Bal adba!

Aniga oo su`aalahaas iyo qaar kale oo badan igu dhex meeraysanayaan ayay hadana maskaxdaydu isku qancisay in dadweynaheenu aanay aqoon u lahayn waxa ay qabanayaan. Wayahay ee ma sidaa ayaynu waligeen ugu baahnaynaa maskax iyo muruq shisheeye, ma sidaa ayaynu u fadhiyi doonaa una daawan doonaa shisheeyaha, miyaynaan baraarugayn? ALLAW _ SAHAL!

 

 


24thbishii September sanadkii 1994_kii ALLE HA U NAXARIISTEE madaxweynahii hore ee jamhuuriyada Somaliland M.X.I.CIGAAL sawkii lahaa :manta waxaa aduunka ka jira gumeysi cusub oo lagu badalay kii hore, kuna saleysan in dadka ama dalalka soo koraya, laga dhaa dhacsiiyo in aanay gaalada la`aantood waxba qabsan karayn, oo meelahaasi iska fadhiyaan, si rodolka bariiska ah uun loo siiyo, taasi waxba kama jiraan waxna weynu qabsan kareynaa.

Si aynu wax u qabsano una gaadhno meeqaamka aynu hiigsanayno waa inaynu heeryada dadban ee gumeysiga iska hagoognaa oo hiyiga ku haynaa hagardaamooyinkooda si aynu u fulino hindisihii halyeyadeena.

Waxaynu ku gaadhi karnaa arimahaas aynu kor ku soo sheegnay ugana bixi karnaa dhibaatooyina shisheeyuhu inagu hayaan inagoo ku toosnaana oo raacna hadaladii dhaxal galka ahaa ee hogaamiye CIGAAL alle ha u naxariistee kuna ladhna soo jeed iyo firfircooni aan loo kala hadhin dhamaan shacabka Somaliland taas oo inoo horseedi doonta hilinka haboon ee hayaankeena iyo ka gudbitaanka waxqabadka kiisa aan la mahadin ee shisheeyaha . ileen runi waxay tahay shisheeye u baahnine. Xaasha! Uma baahnine yaynaan is hafrin.

WAXAAN KA SOO XIGTAY HADALKA MADAXWYNE CIGAAL(AHU) :BUUGA MOHED FARAH QOTI ,DHAXALKII_GOBONIMADA ,DAABACAADII KOOWAAD,JULY2013,P40.



W/Q : JIBRIL JIRDE ABDI

EMAIL: JIRDE40@GMAIL.COM