Shirkadda DAHABSHIIL Oo Door Muuqda Ka Qaadanaysa Dhismaha Xarunta Agoomaha Ee Burco W/Q Mohamed Yousof Bakayle

0
Tuesday February 03, 2015 - 17:28:18 in by salman abdi
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda DAHABSHIIL Oo Door Muuqda Ka Qaadanaysa Dhismaha Xarunta Agoomaha Ee Burco W/Q Mohamed Yousof Bakayle

    shirkada Dahabshiil ayaa door lixaad leh oo aan la inkiri karin ka qaadanaysa dhismaha xarunta agoomaha Ee Magalada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

shirkada Dahabshiil ayaa door lixaad leh oo aan la inkiri karin ka qaadanaysa dhismaha xarunta agoomaha Ee Magalada Burco

gudida dhismaha xarunta agoomaha ee magaladda Burco ay Marwada kobaad ee qaranka Marwo Amina Weris ugaga warbixinayeen halka uu marayo dhismahaasi iyo weliba sida ay bulshada kala duwan ee reer somaliland dhankooda uga qayb qaadanayaan dhowaan Xili marwada qaranku Booqatay habsami usocodka Dhismaha xaruntaasi.

Shirkadda Xawaladaaha lacagta ee DAHABSHIIL ayaa lagu amaanay kaalinta ay ka ciyaarayso doorkeeda kaga aadan ka qayb qaadashada Dhismaha Xarunta agoomaha.

Waxana xubnihii munaasibadan ka hadlay ay dhamaantoodba si isku mid ah isugu marag fureen kaalin shirkada DAHABSHIIL Kaga jirto hirgelinta mashruucan xarunta agoomaha ee maagalada Burco iyagoona Xusay in aan la inkiri karin sida firfircoon ee mashruucyada khayriga ah ee noocaasi ay shirkada Dahabshiil uga qayb qaadato.

Marwadda kobaad ee qaranka Aamin Maxamud Jirde ”Amine Weris” oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa shirkadan Dahabshiil, Qurba joog iyo cid kastoo ka qayb qaadanaysa dhismaha xaruntan agoomaha uga mahadcelisay.

Shirkada DAHABSHIIL ayaa inta badanba ka dhex muuqatay taakulaynta iyo wax ka qabashada adeegyada khayriga ah ee noocan oo kale ah iyadoona ku suntan shirkadaha ugu horeeya dhanka maalgelinta dalka.



W/Q Mohamed Yousof Bakayle

Hargeysa Somaliland
Mbakayle@gmail.com