Badhasaabka Gobolka Hawd Oo U Soo Rarey Xafiiskii Gobolka Caasimadda Hargeysa

0
Monday March 24, 2014 - 08:16:26 in by London Office
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Hawd Oo U Soo Rarey Xafiiskii Gobolka Caasimadda Hargeysa

    Badhsaabka Gobolka Haw doo Hore wax qabad muuqda uga soo qabtey Gobolka Saraar Markii uu Gudoomiyuhu joogey Gobolka Saraar, waxa xasuus muddan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka gobolka how'd
Badhsaabka Gobolka Haw doo Hore wax qabad muuqda uga soo qabtey Gobolka Saraar Markii uu Gudoomiyuhu joogey Gobolka Saraar, waxa xasuus muddan

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sannadkii hore waxa uu qaadey talaabo kor loogu qaadaayo hawlaha shaqo ee Goboladda Dalka, Madaxweynuhu waxa uu isku badel ku sameeyay Badhasaabyadda Goboladda isagoo ka soo qaadey Gudoomiye kasta Gobolkiisii, si loo dar dar galiyo hawlaha shaqo ee Goboladda iyo sii laysku dhax galiyo Bulshadda, Talaabadan oo Bulshadu aad u soo dhaweesay.

Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim X. Xasan Cali oo hore u maamuli jirey Gobolka Saraar, ayaa Madaxweynuhu u badelay Badhsaabka Gobolka Hawd.

Ibraahim X. Xasan Cali waa Gudoomiye aan inta badan ka soo xaadirin Xafiiska Gobolka Hawd ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u igmadey, Gudoomiyuhu waxa uu muddo ku shaqeenaayay oo u soo rarey Xafiiskii Gobolka Hawd Hotel, ka mid ah Huteladda Magaaladda Caasimadda Hargeysa, halkaas oo uu Gudoomiyuhu ku kala socodsiiyo Hawlaha SHaqo ee Gobolka Hawd si uu u kulaalo Xarunta Madaxtooyadda oo uu kaga Jiro olole’ siyaasi oo ku doonaayo sidii loogu magacaabilahaa Xil wasiirnimo,

Badhsaabka Gobolka Haw doo Hore wax qabad muuqda uga soo qabtey Gobolka Saraar Markii uu Gudoomiyuhu joogey Gobolka Saraar, waxa xasuus muddan in Ibraahim X. Xasan Cali uu dhisay Xarunta Gobolka Saraar, Jaylka weyn ee Caynabo iyo in uu gaadhsiiyay Maamulka Gobolka Saraar dhamaan Gobolka, isagoo wax badan ka bedelay qaab dhismeedkii maamul ee Gobolka Saraar.

Gobolka Haw doo loo badelay Ibraahim X. Xasan Cali ayaa ilaa imika ku jira Barasho uu darsaayo hab-dhaqanka Bulsho iyo dabeecadda ay leeyihiin reer Hawd.

Ibraahim X. Xasan Cali, waa Odey ku xeel dheer Diinteena Suuban, waana Odey Cabqari ah oo ka dabaalan kara Hawlaha Hawd iyo Xaq-soor.

Gudoomiyuaha Gobolka Hawd waxa horyaala, soo ururinta tabashaddii Xaqsoor, la’socoshadda Shirweynaha Beesha Arab ay ku dhawaaqeen, kaas oo dhici doona Bisha Juune ee Sannadkan 2014,  dhameestirka wadadii Baligubadleh iyo Salaxley iyo Fulinta  Mashaariicdii ay dawladdu hore ugu balanqaadey Gobolka Hawd.

Afkashacabka.Com

Hargeisa Office

Saxafi: Nasir Dooyo