Ma-nabsigaan galee Guyaal gaaxshaybaa Guuluhu iga jaray WQ:Mustafa H.Ahmed H. Derie

0
Wednesday February 04, 2015 - 10:50:09 in by salman abdi
  • Visits: 2224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma-nabsigaan galee Guyaal gaaxshaybaa Guuluhu iga jaray WQ:Mustafa H.Ahmed H. Derie

    Amintu waa abaaro 8:00am ee subaxnimo cirka waxaa ku sii gadaaman daruurtii iyo Roobki xalay masheeyay Deegaanka, cidhifyada Bari iyo Galbeedna waxaa ka sii Muuqda Fadad Madaw oo la sugaayo inay soo Rogaal celiyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amintu waa abaaro 8:00am ee subaxnimo cirka waxaa ku sii gadaaman daruurtii iyo Roobki xalay masheeyay Deegaanka, cidhifyada Bari iyo Galbeedna waxaa ka sii Muuqda Fadad Madaw oo la sugaayo inay soo Rogaal celiyaan


waa mayay subaxeede. Ciida iyo dhulkana waxaa ka muuqda dhadaddii iyo Dharabkii Roobkii xalay,waxaa dhacaysa neecaw naftii heshaa macaan sanayso oo Odug iyo Naxariisi ku dheehan tahay naftuna ku raaxaysanayso… Muuse waa wiil qurux,jooga,iyo Jamaal rabi ugu deeqay,hantina waa ka qani sadexda meesi ee Somali dhaqataba waa laga dareershaa gurigooda.

muuse waa 15jir muruq welibaa geedkaa leeg yahay oo caano geel iyo Hilib Xoolaad mooyee aan Omotokale aqoon, faciisii iyo filkiina ka koray oo Qofka arkaa is odhonaayo malaa 20jir.markuu subixii u soo shirtagay magaalada ayaa wuxuu magaalada baasheeda beri kula kulmay Sureer oo ah Qalanjo Joog iyo Jamaal rabi u dhamaeeyay oo dhag-roon, wa xoogaa sheeko iyo kaftan goo-goosa hadiiba lays yara dhaafsaday walalo magacaa,walalo ma magaalada ayaad tahay, mise soo guurtada hada deegaanka nala soo dagtay ayaad tahay Muuse intaas kolkuu inantii ku Horay iyana ugu Jawaab celisay una sheegtay inay tahay Soo guurtada hada ku cusub deegaankan.

Muuse markiiba wuxuu la dhacay dhag-roonanta inanta iyo kaftan keeda goo-gooska ah,waana inan rageed iyo caadadiiye wuxuu ku boobay hada walalo bal Taleefanka ii sheeg, inan fiican ayaad tahoo dhag-roone , inan adigoo kale ahba manaba deegeenka ku maan arkne bal aan soo wada xidhiidhnee, {{hadaladaasi waa hadalada ragu badanaa dumarka ku beer laxawsadaaan kuna dabaan ee ay shabaga ugu daadiyaan}} Cabaar intay yara aamustay ayay Sureer wiilkii ugu Tiraab celisay walalo Muuse talefankaygii waxaan kaga imi Tuuladii aan ka soo Guurnay ee Adigu kaaga ii Sheeg anaa kula soo hadlayee. Muuse mood in Qalanjadani iska Dirayso oo ay been u sheegayso balse isagoo caga jiidaya ayuu u qoray Taleefankiisii… sidaana laysku maca salaamee oo lagu kala tag muusana magaaladisii isooga shir iyo shax tag, sureerna Hawsheedii ku fooftay.

Muuse wuxuu wax ka dhigan jiray dugsi aan sidaa u fiicnayn oo ku yaalay tuulada ay reer koodu ku noolaayeen, kolkuu muuse Fasalka Sideedaad dhameeyay waxa uu u wareegay Tuulo kale oo uu ku yaalo iskuul Boodhina, haduuba maalmo yar joogay oo uu iska watay waxbarashadii dugsiga, ayaa galab Casar Liiqa waxaaba soo dhacay oo qaliyay Taleefankisii Halaw iyo waa qofma ayuu mar is raaciyay waaba cod qof dumara. Walalo waa Sureer ayuu ku war helay,hadiiba hal cabaara layska xaal waraystay Reerihii ,Deegaankii iyo mid walba xaalkiisa aduun, laysku farax oo cabaar kaftan iyo sheeko la wadaag.

Galabtaa wixii ka danbeeyay waxaa laysla dhidbay oo seeska laysla dhigay ballana layskula galay, in la abuuro xidhiidh Kal-gacal iyo Mustaqbal ku Qotoma salkana ku haya in reer la wada dhisto, mudo sanad ah markuu socday xidhiidhkii Muuse iyo Sureer waxaa sii xoogaystay xiisihii iyo kalgacalkii ay isku qabeen. Mid walbaba dhankiisa wuxuu is tusay isagoo nolol la wadagay lamaanihiisa kale.

Waxaa iska cad hadiiba laba ruux xidhiidh kal gacal wadagaan in midkood ku badan yahay danaynta iyo dayac tirka xidhiidhka, halka ka kalana iska dheyel sado, oo uu gaabis galiyo hawlaha xidhiidh. Marka aynu eegno Muuse iyo Sureer way u kala nugalayeen Jacaylka iyo Xiisaha Xidhiidhkooda, Sureer dhankeeda marnaba gaabis iyo Khiyaano ka filan mayso dhanka lamanaheeda kale ee Muuse. Sadeexeya Caashaqa lama waayee waxaa jira Wiil Aamiin la dhaho oo ay Sureer isku Tuulo yihiin aad iyo aadna u jeclaa surer, dhawr jeerna uba soo bandhigay guur iyo inuu reer la Yagleelo balse somalidu horay uga maah-maahdee waxaa la yidhi Nin Meeli u cadahay meeli ka madaw, surer waxaa u cadaa uun lamanaheeda ay kala fog-yihin ee Muuse.

Muuse dhankiisu inkastuu kal gacal iyo wanaag u hayo Sureer hadana isagu siday iyadu ugu beer nugushahay uguma beer nugla, oo waa nin ku mashquulsan waxbarashadiisa iyo hawlihisa kale mana aha nin u diyara Guur iyo inuu galo hawlo xaas, waxaanu bilaabay inuu ka gaabiyo xidhiidhkii jacayl iskana danaysto, arinka sureerna lama cusla oo muhiimadiisa lama laha, halka Sureer ay iyadu ay tahay mid u diyaara nawaalilaysana in maruun uu Muuse ka dhawaajiyo inay is guursadaan oo ay qoys wadaagaan.

Wiilka Aamiin ee Sureer Jecel geed dheer iyo mid gaabanba waxa uu u fuulay siduu uga dhaadhicin lahaa inay yeesho oo ay noqdaan lamane nolol wadaaga oo reer wada dhista, balse suureer taasi u may dhaadhacsanayn markay isooga tag iyo maare waday waxay damacday inay been u sheegto, oo ay ku tidhaah waan ku yelayaa ee markaan guur u diyaar garaabo ayaan is guursanaynaa ee iska kay sug. taas oo iyada dhankeeda been iyo iska jeedi uun ka ahayd ee aan ka ahayn run iyo balan saxa. Wuxuu arin sidaa ahaadaba bal aan hada u yara diga rogano dhankaas iyo Wiilkii muuse ahaa iyo dagaankuu joogay iyo meeshuu la meeshay wax la marayaan.

Garaad waa muuse saaxiibkii waana isku deegaan waana isku tuulo waa wiil ka dhashay qoys aan sidaa u ladnayn, balse waa wiil qoys koodu yahay xoolo dhaqto reer guuraa ah. Galab iyada oo geed hoostii ay ku shaxayaan Muuse iyo saaxibkii garaad amintuna tahay abaaro casar dheere, ayaa waxoogaa kaftan iyo duurxul ah hoos lays kugu tuuray, garaad ayaa saaxiibki muuse ku yidhi sxb guur doon ayaan ahay ee bal ka waran, muuse walle………. Walle….. mayga hubtaa sxb(sidan wax uu u lee yahay muuse waxa uu ku yaqanay saaxiibkii Garaad mukhajilnimo aad u badan)

Garaad ayaa wuxuu ku tiraabay mar labad waa iga dhab saaxiib ee inan may baraysa ilayn aniga waad iga warqabtaa xaalkaygu siduu yahaye…. Isagoo u jeeda waad ogatahay inaan mukhajil ahay.. Muuse ayaa si dagan u yidhi saaxiib anaa ku siinaya taleefankeeda inan aan la shekaysto ee ka waran hadaan Taleefankeeda kuu qoro saw adigu la dhamaysan maysid. Garaad dhan waa ka farxay dhana wuu ka cabsaday.. warka fiican ee saaxiibkii wuu ku faxay bale wuxuu ka cabsaday inay inantu diido marka teefankeeda uu siiyo ee uu garaaco.

Garaad saaxiibkii muuse ayuu waraystay isaga oo leh bal saaxiib inanta iiga waran oo hada ii sheeg bal inaan garto, saaxiibkii hadalka lama gaban lamana habsaamin ee markiiba si aan leex-leexad lahayn ayuu waxa uu ugu sheegay inay tahay inanta Sureer ee uu isagu la sheekaysto isla markaana jecel. Garaad yaab! oo ku yidhi sxb inantu miyanay ahayn inantii xafadoodu ahayd kuraha dhuumoodka ee beeshodu soo guurtada ahayd hadana deegaankodii dib ugu noqday…. Haa saaxiib waa iyada inantii Sureer.garaad waxaa ku kulmay yaab iyo farxad labaad.. inanta wuu gartay waanu ka helay, horena waa laysku arakay galabad isaga oo awar caraabinayaa ayuu sheeda ka halacsaday inantaa qalanjada ah balse mukhajilnimadiisa ayaa u diiday inuu la hadlo oo burto. Dhawana waa ka yaban yahay oo wuxuu la yabay saaxiibkii oo ku yidhi inantii xidhiidhku naga dhexeeyay ayaan taleefankeedaku siinayaa la dhamayso.. bal adba yaabka –yaabkii!!. waa yahay saaxiib ee hadaba inanta Talefan haysiine waan u tagaynaa oo deegankoodii ayaan tagaynaa iyo Tuuladay joogto ee adigu ku dheh waan ku imanayaa waanan kula soo tagayaa eediyaar garaw, markan u taganan waan khiyaamanaynaa oo magacyada ayaan u kala badalayna ialayn maalin kaliya ayay ku aragtoo si fiican kuuma garanaysee. Yaab tolow maxaa dhici?!! Mayeeli doontaa?!! Aniga ayaa is waydiinayay su,aalahan markii sheekada layga sheekaynayay ee uu iiga sheekaynayay Muuse oo ah ninka sheekadu ku qotonto..

Muuse ma jecla mana doonaayo inay surer reer wadagaan oo ay guri wada dhistaan waxaanu door biday inuu wax-barashadiisa iskaga mashquulo waana kan go,aan saday inuu saaxiibkii ku wareejiyo hadaba waxaa is weydiin leh side buu ugu wareejianyaa? Inantu ninkii loo keenaba miyay iska yelaysaa?. Muuse markiiba waxa uu u hawl galay siduu inantii sureer been ugu sheegi lahaa uga sheegi lahaa inay is diyaariso si uu ula soo tago. Miyiga dhaqan ayaa ka jira ah inay inanta iyo wiilku isla tagaan oo ay is kaxaystaan markay meel yara durugsan tagaagan reerka inanta rag loo diro si inanta lala tagay loo soo meheriyo…..

Sureer farxad iyo damaashaad ayay kala badatay waxayna niyaysatay iyada oo reer leh oo nolol lamaane ah ku jirta, ubadna u dhashay saygeeda muuse, balse way moogan tahay dhagarta iyo dhibta uu u maleegaayo lamaanaheedii muuse,mana ka war qabto siday wax u dhacayaan iyo siday wax u socdaan.. {Allaw nimaan waxba ogayn hacadaabin.} sureer laf-teedu ma sahlana oo Aamiin ayay iyaba been u sheegtay una balan qaaday inay la socodsiin doonto maalintay guur u xadhko xidhato, Aamiina halkii ayuu iyada naawilayaa kana war sugayaa iyana waa tan Muuse oo dhagar u maleegaya guur kula balantay ayna isla tegi rabaan.

Muuse iyo saaxiibkii Garaad waxay u xadhko xidheen siday u amba-bixi lahaayeen una tagi lahayen tuuladay joogtay suurer, una sii sheege inay ku soo wajahan yihiin ee ay caawa maryaheeda soo xidh-xidhato. Goor duhur ah ayaa laga dheemaalay tuuladii loona jihaystay dhankii tuulada suurer ay daganayd, wax fool loo sii jeedaba goor ay amintu ku began tahay casar gab ayaa waxaa la yara fadhiisatay geed hoostii waxaana la sii shaxeeyay bal sidii cawa inanta loo wajihi lahaa magacyadana loo kala badalan lahaa, hada laga bilaabo Muuse waa Garaad……Garaadna waa Muuse… ku darsoo inanta laf teedu wiilkan muuse maalin kaliya ayay aragtay si fiicana uma garanayso. Hakaana ninkii Garaad ahaa Jaanis labaad ayuu ka helay.

Hadiiba intaas la sii shaxeeyay waxaa tuuladii la gaadhay goor fiid cawal ah oo hada uun xoolihii la soo xareeyay, sureer tuulada way ka yara sokeeyaan balse way u muuqdaan tuulada oo kanbal-keeda ayay dagan yihin, sureer waxay kaga hortimi guriga duleedkiisa hadii hal cabaara laysa salamay laysna xaal iyo aduun waraysatay Garaad waxa u sheegay inuu yahay wiilkii ay la balantay ee Muuse wiilkan la socdaana yahay saaxiibki garaad hawraarsan iyo soo dhawoow walal ayay ku dhaafay hadalkii ___allaw qofaan waxba ogayn ha cadaabin___ sureer wiilashii waxay ku wargelisay inuu tuulada ka jiro Aroos oo ay ku soo baxasan doonto waxan tagayaa Arooskaas . ee ay markay amintu tahay 8:00 fiidnimo Geed weyn oo ka ag-dhawaa lays kugu yimaado. Hadiiba intaas lagu balamay hawraasan iyo keen Mobileka sii haynee laysku dhaafay iyana ay Mobilekii u dhiibtay, saana lagu kala socday oo muuse iyo saaxiibkii garaad waxay u sii gudbeen xagaas iyo tuulada si ay u soo laabtaan xiliga balantu tahay.

Taasba waxaka sii daran somalidu waxay ku maah-maahdaa((God hadimo ha qodin hadaad qodana ka dheerayn ku dhici doontana mooyiye) sureer waxay isla caawa oo ay garaad iyo muuse raaaci doonto la balansantahay una sheegtay inay isna raaci doonto wiilkii aadka u jeclaa ee ay isku tuulada ahayeen Aamiin waxayna kula balantay arooska ka jira tuulada inay iman doonto iskana raacayaan ee uu halkaas ku soo diyaar garoobo. Yaab midba mid buu ku jarayaa!!! iyadu waa sureere waxay faraxsantahay waxayna sawiranaysaa inay caawa la midoobi doonto lamaanahay inta badan iska hasaawinayeen khadka taleefanka.

Waxaa la gaadhay Amintii la balamay Garaad iyo Muuse waxay isku soo beegeen xiligii balantu ahayd caabaar haday joogeen oo hadba jabaq iyo sanqadh dhagaysi ku jiraan ,waxaa is keentay inantii loo socday ee ahayd Sureer oo diyaara ,halkasna waxa laga bilaabay socod dheer oo qaaday saacado farabadan. Ku darsoo wiilkii Aamiin ee ay sureer ku balamisay Arooska sidii ayuu ugu sugaya dugsi u dhaw arooska. habeenkii odhana hadba gashaantida uu arko wuxuu islahaa tolow ma sureerbaa, gashaantidii uu sugayaana waaba tan raacaday ninka kale……. Subxaanka yaa cadiim waxbaa ka dhacay!!!!!

Wax fool loosii jeedaba saqdii dhexe ayaa waxaa lagu soo beegmay reer u dhaw tuuladay ka soo kici timeen Muuse iyo Garaad,reerkii ayaa inantii loo geeyay waana lasyka seexday habeenkii, waagii ayaa barayay reerkiina xoolihii ayaay liseen meesibana gees ayaa loo foofiyay. Wixii rabi qarinaya qar soomee! dhagarta ay muuse iyo Garaad maleegayeen reerku ma oga kamana war qabaan in inantan labada nin ku kala waregeen, af waa faduuliyee markii xoolihii kala darereen ayaa reerkii labadii wiilba ilayn way garanayaan magacyadooda oo saxane mid walba magacisii ugu yeedheen.. Qub..Qub.. markiiba yeedhmadii iyo magacyadii ayaa waxaa maqashay sureer shaki ayaa ku beermay waxayna dareentay inay wax qaldan yihiin. Inantii reerka ayay waydiisay wllo Muuse waa kee waxaa loogu sheegay kii saxda ahaa ee markii hore la hadli jiray, inanti yaab!! iyo dhabana hays!! ayaa ku dhacay iyo waxayna filayn!!! Sirtii la qari nayayna way fashilantay sureerna waxay ogaatay inanka ay soo raacday ee la so tagay in anu ahayn muuse farta ayay dhexda ka qaniintay, waxayna u sheegtay reerkii inay noqonayso oo ay iska tagayso , markii la waydiiyay sababtana waxay u sheegtay siday wax u dhaceen iyo inu muuse Khiyaamay ninkana ayna u socon.

Nin qoyani biyo iskma dhawree muuse markuu arkay siday wax u fashilmeen iyo inay inantii ogaatay ayuu u baxsaday Magaalo kale oo aan uba dhaweyn deegaanka ay hada joogaan. Sureer waxay dareentay inay gacanta u gashay nin ayna weli la sheekaysan haasawaane dhex marin, inbadan waxa laysku dayay in lagu qanciyo inay iska yeesho ninkan, oo ay nolosha la wadaagto, balse iydu waxay xaqiiqsaay NABSIGAY KA GASHAY AAMIIN IN LAGA JARAY waxayna ku calaacashay erayo ay ka mid yihiin

·ma nabsigaan galee

·Guyaal gaaxshaybaa

·Guuluhu iga jaray

·Go,iwaa naf-taydaay

Sureer waxaa u baryay waa cusub iyo nolol cidhiidhi ah waxayna gashay gacan ayna garanayn waxa ka danbeeya waxay ku dhex dhacay badweyn ayna garanayn inay laqi iyo inay ka badbaadi , sureer abaheed waa gudomiyaha tuuladay daganaayen, hooyadeedna waxay joogtaa qurbaha caruurtooda oo dhami way dhoofsanyihin iyada oo kaliya mooyane. Aabaheed iyo hooyadeeba waxay kula dardaarmeen in ayna marnaba degin miyi oo ayna noqon xoolo dhaqato balse ay dagto magaalo weyn ama tuulo ((intaasina waa dardaarankay hooyadeed iyo Aabaheed ka guntatay))))

Intaasba waxa ka sii daran oo ay talo fara ka baxday markii lagu qanciyay inay ninkan iska guursato ee ay yeeshay abaalkeedina sidan noqday ilayn midhahay sii beeratay goosataye laguna aroosay aqal laba daryaale ah, ayaa markii arooskii laba maal-mood uun laga joogo ayaa waxaa lagu war geliyay sureer inay guriga xidh xidhato loona rari doono miyi halkaasna ay degi doonto!!!! (Ka daroo dibi dhal) ayay noqotay talo fara waa ka haaday noloshiina way ku sii adkaatay sureer waxayna ku noolshahay nolo cidhiidhi iyo sariir ah habeena ayna ladayn hurdo raaxo leh.diiday inay miyi u guurto kuna goodiday inay iska tagi doonto hadii kale ay dagaanayso tuulada, tashi badan ka dib loo yeel inay daganaato tuulada. Balse hadh iyo habeen, galabd iyo cawasin waxay ku calaacalaysaa

·Dhibaneey naftaydaay

·Waxii aad dhitaysatee

·Dhaxal kaada dhigtaad

·Dha-dhamisood

·Dhamaysaa caawaba

waxayna gar waaqsatay inay nabsigay ka gashay Aamiin laga jaray Muusana kaga baxay Balantii uu la galay maantana waxay farta dhexda uga qaniinsantahay ay tahay waxay sii hore marsatay oo ah beentii iyo lugooyaday u gaysatay Aamiin. Manaha aha qof ku faraxsan noloshay ku jirto iyo saygeeda toona. Wakhtigeeda inta ugu badan waxay ku qaadataa fakar iyo murugo…..!!!!




Dhamaaad__________

WQ/Mustafa H.Ahmed H. Derie

Burco-somaliland

Burao University

Email:onkod1990@gmail.com