MARWADA KOOWAAD EE DALKA JABUUTI OO CISBITAALKA KU BOOKHATAY WASIIR CUKUSE

0
Monday March 24, 2014 - 08:31:01 in by Super Admin
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MARWADA KOOWAAD EE DALKA JABUUTI OO CISBITAALKA KU BOOKHATAY WASIIR CUKUSE

    Marwada Koowaad ee Dalka Jabuuti Marwo Khadra Jaamac Xayd ayaa Cisbitaalka uu Ka yaalo Magaalada Jabuuti ku booqatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada Koowaad ee Dalka Jabuuti Marwo Khadra Jaamac Xayd ayaa Cisbitaalka uu Ka yaalo Magaalada Jabuuti ku booqatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Marwada Koowaad ee Dalka Jabuuti Marwo Khadra Jaamac Xayd ayaa Cisbitaalka uu Ka yaalo Magaalada Jabuuti ku booqatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo dhawaac ka soo gaadhay Shil baabuur loo gooyey halkaasi.

Marwo Khadra Xayd ayaa ugu tagtay Wasiirka inay soo salaanto, Xaaladdiisa Caafimaadna ka soo war hesho.

Marwada Koowaad ee Jabuuti oo Muddo la joogtay Wasiirka Cukuse ayaa ugu ducaysay in ILAAHAY Caafimaad deg-deg ah siiyo, isla-markaana ka shaafiyo dhaawaca ku soo gaadhay hawshii qaran uu ku jiray markii uu shilka galayey.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa Marwada uga Mahad celiyey Booqashadeeda waxaanu sheegay inuu ku farxansanahay Sida Marwadu Koowaad ee Jabuuti uga soo war heshay Xaaladdiisa Caafimaad.

Dhinaca kale, Wasiir Cukuse ayaa qoraal kooban uu ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook shacbi waynaha uga Mahadceliyey Sida ay xaaladdiisa Caafimaad ula socdaan, Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa Sidan "Saaxibayaal Waad Salaamantihiin Ilaahay Ha Idinka Abaalmariyo Ducada Aad Igu Garab Istaagteen Iyo Xidhiidhkiina Joogtada Ah Aadbaan U Fiicanahay Saaka Cid Iga Wanaagsanina Ma Jirto Hargeisa Deg Deg Ayaan Ugu Soo Laabanayaa Nasasho Yar Dabadeedna Waxan Deg Deg U Bilaabaya Shaqadaydii…”





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com