Yaa garab iyo gaashaan u ah WQ: Eng Shaakir Mahamed Ali

0
Wednesday February 04, 2015 - 17:21:25 in by salman abdi
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa garab iyo gaashaan u ah WQ: Eng Shaakir Mahamed Ali

    Waxa aan ahay meeshii aad ku dhalatay eek u barbaartay waxa aan ahay meeshii aabbahaa iyo awoowayaashaa ku dhasheen ee ay ku barbaareen ee ay ku dhaqdeen ee ay ku tarmeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan ahay meeshii aad ku dhalatay eek u barbaartay waxa aan ahay meeshii aabbahaa iyo awoowayaashaa ku dhasheen ee ay ku barbaareen ee ay ku dhaqdeen ee ay ku tarmeen waxa aan ahay meeshii dheecaankaaga iyo dhiiggaagu ka soo jeeday waxa aan ahay meeshii aad ku socod baratay ee aad ku ababtay waxa aan ahay meesha hoyga iyo huga kuu ah , Waa ana meel allaah ku manaysatay nimcooyin kiisa oo dhan maha meel kulayl badan mana ahi meel qabow daran leh mana ahi meel saxare iyo lamadegaan ah mana ahi meel roob la aane ka jirto iyo mana ahi meel roobab badan oo xaddhaaf leh
Waxa aan ahay meel uu allaah ku manaystay jawi aad iyo aad u macaan oo aad ku raaxaysanyso in badan ,waa meel aad waxkasta oo aad noloshaada u baahato aad ka heli karto adiga oo aan ka bixin maalin iyo habeenba 

Waa meel quruxda iyo qaayahayeeda aanad quudhi Karin oo cidii mar qudha timaadaa aanay marnaba ka xiisa gaynayn
Meeshaa nimcooyinkaa badan leh waxa ay la tabcaansan tahay oo ay labaaxaadagaysaa dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka ku nooli haddii ay tahin mid yar iyo haddii ay tahini mid wayn aqoon yahan sheikh caalim ah mas,uul dawladeed inan guur doon ah inan timo tidcan waa meel aan cidi lahayd .waa meel ay dadkeedii u heshiiyeen sidii ay u dulayn lahaayeen oo bilaa cid ah ma jirto cid xil iska saaraysa in ay dayaca iyo darxumada ka dawayso oo ka illaalisa oo dhowrada oo ka faa,idaysata 

Dhammaan qaybaha bulshada ee k u nooli waxa ay u tafaxayteen in ay quruxdii magaalada ee allaah ku manaystay u bedelaan meel aad iyo aad u fool xun waxa ay ku balameen maalin wal oo waa beryo in ay guri kasta iyo meherad kasta albaabkasta oo ay dad ku nool yahiin oo ku yaala uu wadooyinka ku qubo xashiishka nooc yadiisa kale duwan oo aan loo tudhin inankasta iyo islaankasta waxa ay subax walba oo waaberyo meelin walba galab iyo habeenba inay ku shubaan foostooyin xashiish iyo biyo usgag ah oo aan xad di iyo qiyaas lahayn midna oo aan kale go alahayn oo aan mar qudha aan is dhimayn saacad ,daqiiqad ,iyo laxdad tooba in uu bato mooyee in aanu marnaba aan yaraanay ,in lagu qubo mooyee aan loo tudhayn waxa kale oo kasii daran taas lama garankaro mudda uu socon doono iyo cida u soo dhalan doonta 

Ma dad kale ayaa u soo dhalan doona ? imise waxa la sugayaa dadkale oo aan lahayn dalka ?

Cidda garabka iyo gaashaanka u ah waa ayo tolow ?

Eng: Shaakir Mahamed Ali
Burco Somaliland