TALIYIHII SALDHIGA DHEXE EE HARGEYSA MAXAMED CASE OO XABSI GURI LAGU XIDHAY IYO SABABTA KELIFTAY

0
Monday March 24, 2014 - 08:40:52 in by Super Admin
  • Visits: 2264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYIHII SALDHIGA DHEXE EE HARGEYSA MAXAMED CASE OO XABSI GURI LAGU XIDHAY IYO SABABTA KELIFTAY

    Taliyaha saldhiga Dhexe ee Hargeysa Maxamed Case ayaa la galiyey xabsi guri, kadib markii uu dhawaan Maayarka Magaaladad Xarshin ee Dalka Itoobiya oo laga soo qabtay Xuduuda Somaliland...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha saldhiga Dhexe ee Hargeysa Maxamed Case ayaa la galiyey xabsi guri, kadib markii uu dhawaan Maayarka Magaaladad Xarshin ee Dalka Itoobiya oo laga soo qabtay Xuduuda Somaliland...

Taliyaha saldhiga Dhexe ee Hargeysa Maxamed Case ayaa la galiyey xabsi guri, kadib markii uu dhawaan Maayarka Magaaladad Xarshin ee Dalka Itoobiya oo laga soo qabtay Xuduuda Somaliland isagoo Hub ku aasaya lagu soo xidhay saldhiga Dhexe, halkaas oo uu Habeen dhaway ka baxsaday markii uu muddo labaatan cisho ka badnayd baadhista Kiiska lagu soo Eedeeyey uu u xidhnaa.

waxaanay wararku sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan Amray xabsi guriga Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeysa illaa iyo inta la dhamaystirayo baadhista lagu wado qaabka uu Maayarka Xarshin uga baxsaday Gacanta Booliiska.

Dhacdadan Taliyaha Saldhiga Dhexe loo haysto waxa kale oo iyana u xidhan sadex askari oo kale oo ahaa kuwii habeenkaas hayey masuuliyadda saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo loo tirinayo in uu ka baxsaday Maayarka Xarshimeed.

sidoo kale dhawaan ayuunbay ahayd marki maxame case u ogolaaday masuuliyiinta xisbiga waddani inay gudaha saldhiga sawiraan kaga soo qaadaan gudoomiye ku xigeenkii  hore ee togdheer oo ku xidhnaa wakhtigaas saldhiga dhexe.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com