Beesha Gaashaan-buur (War-Sangali) Oo Markii u horeysay Ku Dhawaaqday inay Si Buuxda U Taageersantay Xukuumada Somaliland

0
Monday March 24, 2014 - 09:10:36 in by Super Admin
  • Visits: 1398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Gaashaan-buur (War-Sangali) Oo Markii u horeysay Ku Dhawaaqday inay Si Buuxda U Taageersantay Xukuumada Somaliland

    Waxaa maanta "Axad 23 March, 2014" lagu qabtay Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag Shir'jaarid kaas oo lagu soo bandhigay go'aamadii ka soo baxay shir wadatashi ah oo beesha Gaashaan-buur (Warsangeli) halkaas uga socday dhowrkii maal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta "Axad 23 March, 2014" lagu qabtay Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag Shir'jaarid kaas oo lagu soo bandhigay go'aamadii ka soo baxay shir wadatashi ah oo beesha Gaashaan-buur (Warsangeli) halkaas uga socday dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey (21st ilaa 23 March) .

Waxaa maanta "Axad 23 March, 2014” lagu qabtay Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag Shir’jaarid kaas oo lagu soo bandhigay go’aamadii ka soo baxay shir wadatashi ah oo beesha Gaashaan-buur (Warsangeli) halkaas uga socday dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey (21st ilaa 23 March) .

Shirka Jaraa’id oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Waxgaradka beesha waxaa laga dhawaaqay go’aamo ay beeshu gaartay ayna ka mid ahaayeen in si buuxda beeshu ugu biirto waxna ula qaybsato Jamhuuriyada Somaliland taas bedelkeedana ay joojiyeen dhamaan xiriirkii wadashaqayneed ee mudada dheer kala dhexeeyey Maamulka Puntland .

Markii uu soo dhamaaday shirkaad jaraa’id waxaa laga dejiyey calanka Puntland dhamaan goobihii uu surnaa sida xarunta maamulka, Saldhiga Booliska, Dugsiga sare iyo Xarunta caafimaadka (MCH) waxaana lagu bedelay calanka Jamhuuriyada Somaliland oo wakhtigan xarumahaas ka dul bananaya.

Beeshu waxay ka digtay farogelinta maamulka Puntland ku hayo Gobolka Sanaag iyagoo sheegay in booqashada la qorsheeyey ee Madaxweyne Gaas ku iman doono Degmada Badhan ay tahay mid aan la aqbali doonin oo carqalad ku ah Degnaanshaha iyo Nabadgelayada Gobolka wixii dhibaato ka dhashana uu masuuliyadeeda isagu si gaar ah u qaadi doono.

Qodobadii ka soo baxay Shirkii wadatashi ee Beesha Gaashaan buur ee lagu dhawaaqay.

1. In si buuxda beeshu ugu biirto waxna ula qaybsato Jamhuuriyada Somaliland.

2. In si buuxda loo jaro dhamaan xiriirkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyey beesha iyo Maamulka Puntland.

3. In Booqashadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku tegay degamada Laasqoray ay ahayd mid taariikhi ah soo dhoweyna mudan .

4. In Xuduudaha, Madaxbanaanida iyo Midnimada Somaliland ay yihiin lama taabtaan muqadas ah Ciidamada Qaran-kuna xil gaar ah iska saaraan sidii ay u sugi lahaayeen.

5. In Booqashada la hadal hayo ee Madaxweynaha Puntland ku iman doono Degmada Badhan ay tahay mid aan la aqbali karin carqaladna ku ah deganaanshaha iyo Nabadgelyada Gobolka wixii dhibaato ka dhashana masuuliyadeeda uu qaadi doono maamulka Garoowe.

6. In dhamaan Xafiisyada maamulka Puntland ee ku yaala Deegaanada beesha (Buraan, Ceelaayo, Balibusle iyo Cawsane ) iridaha la isugu dhufto mudo bil gudaheed ah-na lagu bedelo xafiisyo dhigooda ah oo dhanka Somaliland laga soo asteeyey lagana maamulo.

7. In si gaar ah looga hadlo arrimaha Ciidamada iyo qaramayn-tooda.

8. In la dardargeliyo wadahadala u socda Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Beesha Gaashaan-buur, dhinaca beeshana loo igmaday 11 Xubnood .

Xafiiska Wararka BooramaOnline

Xasan Faarax Qamaan

Hargeysa-Somaliland

Shir 65Shir 66Shir 67Shir 68Shir 69Shir 661