"Somaliland waa waddan gaar u taagan, fedaraalka Soomaaliyana wax shaqo ah oo ay ku leeyahay ma jirto," Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis oo afkashacabka.com xalay khadka telefoonka ku waydiiyey sida uu u arko hadalka Nickalas Kay
, ayaa ku jawaabay "Somaliland waa waddan gaar u taagan, fedaraalka Soomaaliyana wax shaqo ah oo uu ku leeyahay ma jirto, Nickalas Kay iyo beesha caalamkuna way la socotaa in Somaliland 24 sanadood madax-banaaneyd, waana la og yahay in Midowga Yurub aanu u bandhignay Madax-banaanidayada iyo horumarkayaga, welina wadahadalladii noo socdaan, markaa federaalka Xamar loo samaynayo shaqo kuma lihin, isaguna (Kay) wuu ogyahay”
Wasiir Biixi, waxa uu sheegay inay Nickalas Kay u socdaan wada hadallo Somaliland ku doonayso inay kaga faa’ideysato tababarada xagga jeelasha, Saxaafadda iyo xuquuqda ee uu xafiisku bixiyo "Waxa noo socda wada hadallo (Kay), kuwaasi oo ah xagga jeelasha, saxaafadda, xuquuqda aadamaha iyo booliska, kuwaasi ayaanu doonaynaa inaanu ka faa’ideysanayo, markaa wada hadallo ayaa noo socda, waxaanuna doonaynaa inay noo soo diraan khuburo bixiya tababaraddaasi. Laakiin Somaliland wax shaqo ah kuma laha nidaamka federaalka ee Soomaaliya ..” ayuu yidhi.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay "Ma rabno inaanu ilaaqaad xun la yeelano (Kay), waanuna soo celinaynaa, waayo hay’adaha Qaramada midoobay ee halkan jooga isagaa Madax ka ah, markaa xidhiidhka aanu la leenahay Nickalas Kay waa inay naga caawiyaan xagga tababarrada, sida hay’adaha kaleba. Waanu la socdaa inay doorashooyinkeenu dhacayaan, inay nabadgalyo jirto. Wuxuu ku dawakhsan yahay taa Xamar ee sida teennu (Somaliland) u deggan tahay wuu la socdaa” ayuu yidhi, wasiirka Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis.
conatct@afkashacabka.com
"Somaliland waa waddan gaar u taagan, fedaraalka Soomaaliyana wax shaqo ah oo ay ku leeyahay ma jirto," Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis oo afkashacabka.com xalay khadka telefoonka ku waydiiyey sida uu u arko hadalka Nickalas Kay