Maxaa Sil-siladda laygu xidhayaa?!! WQ: Mustafe Shaybe

0
Saturday February 07, 2015 - 08:05:17 in by salman abdi
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sil-siladda laygu xidhayaa?!! WQ: Mustafe Shaybe

    Waxa uu ahaa deeqsi, geesi, nin rageed,Biri magaydo ayuu ahaa, aduun ilahay waa u dhameeyay waxa noloshiisa ka dhinaana ma jirin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ahaa deeqsi, geesi, nin rageed,Biri magaydo ayuu ahaa, aduun ilahay waa u dhameeyay waxa noloshiisa ka dhinaana ma jirin.

Iska daye waxa uu gacanta ku hayay oo uu quudin jirin oo gacantiisa ku nolaa ilahay ka sakow qoysas badan oo Ehelkiisa ah.intaas waxaa u dheraa cid walboo shaxaada si hagar la,aan ah ayuu wax u siin jirin, Eexna hadalkedaba dhaaf.

 

Magaalada uu ku nool yahay caan ayuu ka ahaa faxalnimo iyo raganimo ku caan baxay kuna suntanaa,dadkuna ku xisaabtami jireen wax- siintiisa iyo gacan qabadkiisa waxaa loo bixiyay magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiiin Deeqsi, Suldaanka, Boqorka, Nin jira,Nooleeye, iyo magacyo kale oo badan.ninka intaas oo sifo ee aan soo sheegnay ku si foobay waa collaad oo hada gu,gii 50 madaxa uun ka jaray.

Nimco waliba nusqaan lahee maalintuu dhashay ilaa maalintuu 44sano jirsaday miyirkiisa iyo xuskiisa wuu qabay waxaanu ahaa ninkaas aan kor ku soo sifaynay ee aan ku soo sharaxnay Gu,gii 45aad maalintuu madaxa la galay ayaa waxa u bilaamatay nolo cusub oo aanu hore u arkin.

Waayaha aduunka iyo tabaalaha wakhtigaa ninba meel ku waabee Collad ilahay waa ka dheelmiyay wana laga qaaday Xuskii ama Garadkii waxa uu galay nolol ay somalidu ku sheegaan(waali),(ka dhigis),(ka dhaqaajin) iyo wax la mida ilahay isagaa QAADIRAHEE noloshan cusub ee uu collaad galay maha wax uu ku mutaystay danbi uu Rabigeen ka galay mana ahaa Ciqaab isaga la mirinaayo,ballse waa Imtaxaan lagu Eegaayo kuwa miyirka qaba ee uu u ahaa gadhwadeenka iyo Biri-mageydada ee uu gacanta ku hayay kuna Dhaadan jiray markuu xuskiisa qabay. Hees somaliyeed ayaa waxay tiraahdaa

·Ma ogtahay curyaankaba

·Cago looma waayine

·Cayn kaas wax loo yidhi

·In kuwo cararayee ladani

·Ay ku cibro qaataan

Collaad nolol cusub ayaa u bilaamantay waxa uu noqday Dibad yaal waxa uu noqday Qashin uruursade,waxa uu noqday liiya ninka waalan, waxa uu noqday qofaan cid lahayn, dhaxanta iyo jiilaashinka ayuu la wehel noqday Hoygiisu hada waa Kharaabadaha jajaban iyo Gododka bahaladu qoteen, cidi uma diirnaxdo ciddina ma tidhaah waa helbel waa ninki Gobta ahaa cidi ma tidhaah dhakhtar geeya, sanado ayuu ku jiray noloshaas cidhiidhiga ah ee saxariirka iyo debadd yaalka ah.

Hada oo uu Gu,gii 50 Madaxa ka jaray waxaa lagu xidhiy Meel la yidhaah Buul oo guriga dhiniciisa looga Bal-balay , lugta waxaa lagaga jabiyay Silsilad culayskeedu laba kiilo uu yahay buulka dhexdiisa waxaa looga dhex-taagay Bir adag oo shub xaga hoose lagag sameeyay si aanu u Fujisan.

 

Cidi ma daweyso, dhakhtar lama geeyo, cidiyaha lagama guro, shaadhka iyo surwaalka waxa uu xidhnaada bil ama laba bilood kuwa hoosana iskaba Illaw. Jidhksii wuu solmay oo dubkii iyo diirkii ayaa isku dhagay,cuntada waxaa lagu siiyaa weel ja-jabay, looma soo maydhee iyada oo aan kii hore laga xalin ayaa loogu dul ridaa. Kaba darene Duhurkii marka ay tahay ayaa Laba Majood oo Qaada loo soo laaba loona keena Fiidkiina waa loogu soo celiyaa yaaab.!! Qaadku maanu ahayn kii mukhaadaraadka ahaa!!Roobka iyo milicdu si toosa ayay uga soo gudbaan buulka yar ee uu ku jiro, Ciyaalka xaafadu maalin walba halkaas ayay ka shiidaan oo ku soo gaadhsiiyaan jidhkiisa dhawacyo badan oo halisa.

 

Xilliga cuntada la siinaayo ama maryaha laga badalaayo waa laysku egaa oo laysku qasbaa Hebellow u gee……. Iyo Hebllayoow u gee….. kaba sii darane waxa loo adeegsadaa Erayo Qalbigii fayoobi ka digiigaxanaayo oo ah kii waalnaa yaa wax siinaaya, qofkan waalan bal wax inaga siiya.

 

Collaad hadii Daweyn iyo Daryeel fiican la siin lahaa oo cunto Nadaafad leh, la siin laha Qaadkana laga Joojin lahaa, Hawo gedina la yara siin lahaa waxaa hubaal ah inuu Bogsan lahaa , oo sidan soo dhaami lahaa. xasha dhagihii waasan ayaa waasane dhawr jeer oo dhakhaatriirta iyo dad culimo ah oo ladaris ahi sidan kula taliyeen Ehelkiisa dhag jalaq looma siin.

 

Hada weli Collaad waxa uu ku nool yahay oo uu ku jiraa Buulkii yaraa ee loo bel-belay,Bulshadii uu wax tari jiray ee magacyada faraha badan iyo Amaanta kala dul dhici jirtayna wax gacana kama helo, Cid cidiyaha ka gurta ma halo, cid dhakhtar geyasa ma helo, cid cunto nadiifa siisa ma helo, cid soo booqata oo magacyadii wac-wacnaa ugu yeedha ma helo, ka ugu fiicani waa ka dhaha ninkii Collaad ee waalnaa ka warama, ninkii waashay ma nool yahay, subxaana llaah… dadka hada sidan u hadlayaa waa dadkii markuu miyirka qabay ammaani jiray ee magacyada wacan u la baxay maanta markuu Rabi Sareeyaaye Xuskii ka qaadayna waa ku waas sidan u la dhaqmaaya ee kala qashaafaya hadalkii wanaagsanaa. Subxaana llaah…..!!

Hadh iyo habeen qalbiga hoose ayuu iskala sheekaysanayaa Collaad waxaanu is weydiinaya Maxaa meeshan laygu xidhay?!! Maxaa Sil-silada lugta laygaga Jabshay?! Meeye dadkii aan gacan qaban jiray?!!! Meeye dadkii hadalada mac-macaan igu maali jiray?!! Meeye dadkii magacyada wac-wacan iila baxay?!! Su,allahaas ayuu mar walba qalbiga hoose iska waydiiyaa cidina ugama jawaabto, mana helo cid ka furdaamisa noloshan silica iyo saxriirka ah ee uu ku jiro..!!!!!!!!!!!

 

·Qofkii xaakin keenu waalay

·Xuskiisii uu qaaday

·Xaraabe hadaynu ka baadho

·Aakhiro Waa inoo xisaabee

·inaynu xaq-dhawrno weeye!!!

 

· Dhamaaad__________

 

·Q/Mustafa H.Ahmed H. Derie

·Burco-somaliland

·Burao University

·Email:onkod1990@gmail.com

·Tell:-252634063400