Madaxweynaha Waddanka Turkiga ayaa kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidii ay suurtogal u noqon lahayd in kaydka saliidda ee Soomaaliya uu dalkiisu ka caawiyo in la soo saaro.
Wargeyska Indian Ocean oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa warbixin uu ka qoray booqashadii Madaxweynaha Turkey ee Somaliya waxa uu cinwaan uga dhigay "Erdogan waxa uu meelaysanayaa saldhigga weyn ee Saliidda”, waxaanu wargeysku sheegay in ay labada Madaxweyne falanqeeyeen suurtogalnimada soo saaridda saliidda Soomaaliya iyadoo uu waddanka Turkey gacan ka geysanayo.
Wargeyska oo ka hadlaya kulanka labada Madaxweyne ayaa waxa uu yidhi: "Madaxweynaha Turkey Recep Tayyib Erdogan waxa uu la soo qaaday dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud arrinta saliidda intii uu socday kulankoodu”
Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, ayaa booqasho ku tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho laba toddobaad ka hor, ayaa kulan lagu soo dhaweynayey ku sheegay in dalkiisu uu sanadkan Magaalada Muqdisho ka dhisayo ilaa 10.000 oo guri, kuwaasi oo la siin doono dadka noloshoodu hooseyso. Laakiin taasi waxa barbar socday heshiisyo dhinaca ciidamada, waxbarashada, tababarrada booliska iyo taageerada dhinaca mashaariicda wax lagaga qabanayo waddooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay wakhtigan ku hawlan yihiin shirkado laga leeyahay Turkiga, marka laga yimaaddo dhismaha Madaarka Muqdisho iyo Cisbitaalka Digfeer, kuwaasi oo labadoodaba si caalamiya loo dhisay.
Recep Tayyib Erdogan, ayaa laba toddobaad ka hor markii uu Muqdisho tagey wax uu sheegay inay Soomaaliya garab taagan yihiin "Waanu idin garab taaganahay, farxad ayayna ii tahay in aan mar kale Muqdisho imaado si aan u dhiirigeliyo taageerada aan idin hayno. Waan hubaa in aad ka gudbi doontaan caqabadaha jira, waana muuqataa in isbeddel weyn uu jiro safarkeygii hore iyo ka dambe” ayuu yidhi, Madaxweynaha Turkiga.
Taageerada Muuqata ee Turkigu siinayo Soomaaliya ayaa waxa su’aalo badan iska waydiiyey aqoonyahanka Soomaaliyeed ee adduunka ku filiqsan, waxaana qaarkood mugdi galiyeen ujeeddada dhabta ah ee Turkigu ka leeyahay taageeradan layaabka leh. Hasa-yeeshee warkan sheegaya inuu Madaxwaynaha dalkaasi uu dhiggiisa Soomaaliya kala hadlay soo saaridda Saliidda, ayaa xaqiijinaysa in damaca Turkiga ee Soomaaliya uu yahay inuu gacanta ku dhigo khayraadka dihin ee Soomaaliya.
Dawladda Somaliland oo uu Turkigu dhexdhexaadinayo Soomaaliya, ayaan la ogeyn mowqifkeeda la xidhiidha arrintaasi, maadaama oo Turkiga iyo dalalka beesha caalamku aamisan yihiin Somaliland ka mid tahay Soomaaliya inteeda kale. Turkiga oo tartan kula jira dalalka kale ee reer galbeedka oo iyaguna danaynaya Soomaaliya, ayaa haddii uu ku guuleysto damaciisa ah inuu soo saaro Saliidda Soomaaliya, waxay saamayn ku yeelanaysaa Somaliland oo lafteeduna doonaysa inay shidaalkeeda la soo baxdo.
Somaliland oo toos taageero uga hesha dalalka Midowga Yurub, ayaan haddana ilaa hadda wax la taaban karo ka helin taageeradaasi, gaar ahaan dhinaca shidaalka.
Contact@afkashacabka.com
"Erdogan waxa uu meelaysanayaa saldhigga weyn ee Saliidda" Wargeyska Indian Ocean oo warbixin ka qoray Socdalki madaxweynaha Turkiga ee Somalia
Madaxweynaha Waddanka Turkiga ayaa kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidii ay suurtogal u noqon lahayd in kaydka saliidda ee Soomaaliya uu dalkiisu ka caawiyo in la soo saaro.