Sooyaalka Wargaysyadii Ka Soo Bixi Jiray Somaliland 1949-kii ilaa 2015-ka. Aasaaskoodii iyo Tifaftirayaashoodii. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Saturday February 07, 2015 - 12:09:24 in by salman abdi
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sooyaalka Wargaysyadii Ka Soo Bixi Jiray Somaliland 1949-kii ilaa 2015-ka. Aasaaskoodii iyo Tifaftirayaashoodii. W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda.


Wargaysyadii 1949-kii ilaa 1960-kii.

 

Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda. Waxaanu soo baxay sannadkii 1949-kii. Wuxuu ka soo bixi jiray wiigii hal-mar. luuqada af-carabiga ayuu ku soo bixi jiray. Waxa lagu diyaarin jiray Hargaysa,waxaan lagu soo daabici jiray dalka Yaman. Waxa soo saari jiray Cali Maygaag Samatar iyo Jaamac Jibriil Rooble

 

Wargayskii labaad waxa la odhan jiray AL-SOMAL, wuxuu soo baxay sannadkii 1951-kii. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Maxamuud Jaamac Uurdoox.

Wargayskii saddexaad waxa la odhan jiray AL-LIWAwuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii. Micnaha Al-Liwa waa calanka.wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Ahmed Yuusuf Ducaale.

Wargayskii afraad waxa la odhan jiray QARNI-IFRIIQIYA, wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii badhtamahiisii. Macnaha wargayska ayaa ahaa Geeska Afrika. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi.waxa soo saari jiray Cumar Maxamed C/rahmaan(Cumar dheere).

Wargayskii shanaad waxa la odhan jiray AL-SARAAXA,oo micnaheedu yahay runta. Wuxuu soo baxay sannadkii 1959-kii. Sida kuwii hore ayuu af-carabi ku soo saari jiray. Waxa soo saari jiray C/casiis Xaaji Ismaaciil (Dakharre)

Wargayskii lixaad waxa la odhan jiray Somalilandnews, oo micnaheedu yahay warkii Somaliland. Wuxuu ku soo bixi jiray af-ingiriisi. Waxa soo saari jiray C/rixiin Caabbi Faarax.

 

 

Wargaysyadii 1991-kii ilaa 2015-ka

 

Wargaysyada soo baxay waxa ka mid ahaa CODKA HARGAYSA, waxana soo saari jiray C/rahmaan Yuusuf Cartan, Cumar Jaamac, C/laahi Jaamac Max’ed, Nuur Faarax Xirsi , Cumar Iidle Saleebaan, Cawad Saalax iyo muuse F. Jaambiir.

 

Wargayska XORRIYOayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay. Waxa soo saar jiray C/laahi Adan Cumar (Wayab), Faysal Fadhfadhle, Muuse Aadan Yuusuf iyo Xuseen Cali Nuur.

Wargayska Jamhuuriyaayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay 2.Nov. Sannadkii 1991-kii.

 

Aasaasayaashii:Xasan Siciid Yuusuf, Faysal Cali Sh. Maxamed iyo Ibraahin Muxumed Aw-Axmed.

 

Tifaftireyaashii:Xasan Siiciid Yuusuf, Axmed Siciid Cige, Xuseen Cali Nuur, Faysal Cali Sh. Maxamed, Xariir Faarax Ducaale, Maxamed Cabdi Curad iyo Maxamed Cabdi Cirro.

 

 

F.G:Faysal Cali Sheekh wuxuu ii sheegay inuu ahaa suxufigii ugu xadhiga badnaa warbaahinta Somaliland. Wuxuu xidhnaa isku-geyn 400 oo maalimood. Dhinaca kalena Xasan Siciid ayaa isna ka mid ah suxufiyiinta xadhiga badan la kulantay.

 

Wargayska Waddaniayaa soo baxay muddo yar ka dib. Wargayskani muu sii jirin muddo badan. Waxa soo saari jiray Xasan Maxamed Yuusuf iyo Carraale.

 

Wargayska Baraarugayaa soo isna soo baxay, oo ay soo saari jireen kooxo wadaado ah.

Wargayska Maandeeqoo imika la yidhaaDawanayaa soo baxa ka dib waxaana soo saari jiray Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka), Axmed Cirro iyo Faysal C/laahi Cabdalle. Waana 1998-kii.

Wargayska Haatufoo soo baxay sannadkii 2001-dii.

 

Aasaasayaashii:Yuusuf Cabdi Gaboobe, Axmed Ducaale Bulaale, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), Axmed Cali Garas iyo Muuse Faarax Jaambiir.

 

 

Tifaftireyaashii soo maray:Siciid Guraase (AUN), Maxamed Ibraahin Sagax, Maxamed Cismaan Dubbe oo imika ah Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee wasaarada arrimaha gudaha, Cali Cabdi Diini iyo Axmed Cali Cige

 

Wargayska Ogaaloo soo baxay sannadkii 2005-tii

 

 

Aasaasayaashii:Muuse Faarax jaambiir iyo C/weli Faarax Jaambiir (AUN).

Tifaftireyaashii soo maray:Mustafe Sh. Cumar, Maxamed Walaaleeye, Barkhad M. Kaariye, C/fataax Mursal iyo C/fataax Ismaaciil.

 

Wargayska Geeska Afrikaoo soo baxay sannadkii 2006-dii

 

 

 

Aasaasayaashii:Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo). Tifaftire:Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo).

 

Wargayska SaxanSaxooo soo baxay sannadkii 2007-dii.Aasaasayaashii:

 

 

 

C/laahi Daahir Cukuse.

Tifafireyaashii soo maray

C/risaaq Maxamed Dubbad iyo Cali Cabdi Diini

 

Wargayska Waaheenoo soo baxay sannadkii 2008-dii

 

 

 

Aasaasayaashii:Prof. Axmed Xuseen Ciise iyoMaxamuud Jaamac Xuuto

Tifafireyaashii soo maray:Maxamuud Jaamac Xuuto, Siciid Ismaaciil Guraase (AUN) iyo Naasir Maxamed C/laahi waana tifaftiraha ugu da’da yar.

 

Wargayska Yooloo soo baxay sannadkii 2008-dii. Maxamed Cabdi Curad ayaa Aasaasay Tifaftire ka ah.

 

Wargayska Saxafioo soo baxay sannadkii 2009-kii.Aasaasayaashii:

 

 

Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), C/fataax maxamuud caydiid, C/fataax dheeg Axmed, Barkhad-Ladiif Muxumed Cumar iyo Maxamed-Amiin Jibriil.

Tifaftireyaashii soo maray:C/fataax Maxamuud Caydiid iyo Mustafe Sh. Cumar.

 

Wargayska Foorreoo soo baxay sannadkii 2011-kii.Aasaasayaashii:

 

 

 

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Mukhtaar Muxumed Xasan iyo C/laahi Maxamed Axmed (Gacma-dheere).Tifaftire:Maxamed Maxamuud Yuusuf(Ilkacase).

 

Wargayska Somaliland todayoo soo baxay sannadkii 2012-kii.Aasaasayaashii:Muniir Axmed Cigaal. Tifaftire:C/qaadir Adan Cali

 

Wargayska Himilooo soo baxay sannadkii 2013-kii.Aasaasayaashii:Madar Cabdi Axmed.Tifaftire:Khadar Iid Kaariye

Wargayska Sahanoo soo baxay sannadkii 2014-kii.Aasaasayaashii:Axmed C/raxmaan Xirsi (Heelo).Tifaftire:Siciid Khadar C/laahi

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Protectorate Office for Media………….Unpublished Paper

Sooyaalka Somaliland 26 june ka hor…… Sayid-Maxamed Yuusuf

Yuusuf Geelle Waaberi……………Goob-Joogle..1955 ilaa imika

Baadhis iyo xog-ururin