Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo Maanta lagu aasay Magaalada Burco iyo Masuuliyiin Tiro badan oo ka soo qaybgashay Aaska Qaran ee loo sameyey Marxuumka +SAWIRO

0
Monday March 24, 2014 - 15:21:06 in by Super Admin
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo Maanta lagu aasay Magaalada Burco iyo Masuuliyiin Tiro badan oo ka soo qaybgashay Aaska Qaran ee loo sameyey Marxuumka +SAWIRO

    Waxa Goor dhoweyd Aas qaran loogu sameeyey Magaalada Burco laguna aasay Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo shalay ku geeriyooday Magaalada Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Goor dhoweyd Aas qaran loogu sameeyey Magaalada Burco laguna aasay Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo shalay ku geeriyooday Magaalada Burco.

Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo Maanta lagu aasay Magaalada Burco iyo Masuuliyiin Tiro badan oo ka soo qaybgashay Aaska Qaran ee loo sameyey Marxuumka
 
Waxa Goor dhoweyd Aas qaran loogu sameeyey Magaalada Burco laguna aasay Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo shalay ku geeriyooday Magaalada Burco.


Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuumka waxa ka soo qaybgalay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Duulista Hawada Maxamud Xashi Cabdi, Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaraha Cali sicid Reygal, Wasiirka Macdanta iyoTamarta Xusen Cabdi Ducale, Wasirudawlaha Maliyadda Cisman Cabdilahi Saxardid CADAANI, Wasiirudawlaha Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, Badhasabkii hore ee Gobolka Togdheer XAMARJI, Badhasabki Hore ee Gobolka Saaxil RAMAAX CALI SALEBAN, Maareye Xigenka Dekedda Berbera Cumar Abokor, Guddomiye kuxigenka Xisbiga Kulmiye Mujahid Maxamed Kahin Axmed, Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaano, Masuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Togdheer, Culimawdiin, iyo Dadweyne Aad u tiro badan oo ka kala Yimi inta badan Gobolada Dalka.


Masuliyiintan ka soo qaybgashay Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo ahaa Guddomiyihii Shirkii Gar adag ee Beelah Habarjeclo, ayay dhammaantood ku sheegeen shakhsiyad nooceedu ku yar yahay Dalka, iyagoo ku sifeeyey, inu ahaa Oday Dhaqameed, Hal adaygnimo iyo Go’aan lahaa isla markaasna aan lagaga daba dhufan jirin.
Masuliyiintani waxay si waafiya uga sheekeeyeen Taariikhda Marxuumka iyagoo sheegay inu ahaa Ardaygii ugu horeeyey ee la qorey Iskuulkii DAYAXA, isla markaasna ahaa shakhsi aqoonyahan ah, wax bandanna ka soo qaybqaatay dib u dhiskii iyo xorayntii Dalka.
Marxuumka ayay Walaalo yihiin Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jamac iyo Aqoonyahanad Hinda Maxamed Jamac oo labaduba Caan ka ah Geyiga Somaliland iyo Guud ahaanba Afrika isla markaasna ah shakhsiyaad in badan ka soo shaqeeyey Arrimaha Bulshada, Arrimaha Siyaasada, iyo Arrimaha Samafalka Intaba.


Guuud ahaanba Maamulka iyo Hawlwadeenada Shebekedda Caalamiga ah ee Afkashacabka.com waxay Tacsi Tiiranyo leh U dirayaan Qoyskii Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shacbiga reer Somaliland ee uu ka Marxuum Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo manta lagu aasay Xabaalaha Ileys ee Magaalada Burco.

 
 

INAALILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN





Afkashacabka.com
Burco  /Office
Contact@afkashacabka.com