Maxaa laga Filan karaa kulanka Maalinta berri ah codka kalsonida loogu Qaadayo Xukuumada R/wasaare Cumar C/rashiid

0
Sunday February 08, 2015 - 22:00:21 in by Burco Office
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa laga Filan karaa kulanka Maalinta berri ah codka kalsonida loogu Qaadayo Xukuumada R/wasaare Cumar C/rashiid

    Xildhibaanada qaar ee ka tirsan Baarlamaanka Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaaya inaysan suuragali doonin meel marinta Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada qaar ee ka tirsan Baarlamaanka Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaaya inaysan suuragali doonin meel marinta Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Somalia.

Xildhibaano ka tirsan Garabka kasoo horjeeda dhaqangalinta Wasiirada oo maanta siyaabo kala duwan ugu shiray Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin qaladaad ama nin Jecleysi lagu hago dalka Somalia.

Xildhibaanada siyaabaha kala duwan ugu shiray Muqdisho ayaa ka dhiidhiyay in go’aankooda uu yahay mid mideysan islamarkaana ay kasoo horjeedan waxa ay ugu yeeren dirqi Siyaasadeed.

Sidoo kale, waxa ay sheegen in go’aankooda maalinta bari uu yahay cadeyn mowqifkooda waxa ayna badi ka soo horjeedan tiro wasiiro ah oo iyagu lagu soo hoosqariyay Xukuumada cusub.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalinta bari ah la filan karaa in kulanka uu kusoo idlaado diidmo islamarkaana ay suuragal noqon karto in Xarunta Baarlamaanka ay ku kala jabaan Xildhibaanada is baheystay ee iyagu xil raadiska ah.

Inkastoo maalinta berito ah Labo arin midkood oo ah in la ansixiyo iyo inaan la ansixin ay dhici karaan ayaa hadana waxaa jira xildhibaano iyagu isku baheysanaya sidii ay codka kalsoonida ugu diidi lahaayeen Wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.


Muqdisho/Offce