Duqa caasimadda Hargeysa oo wareegto ka soo saaray in guryaha hortoodda iyo wadooyinka lagu xidho Laydhadh ka qayqaata bilicda amniga magaaladda

0
Sunday February 08, 2015 - 22:43:35 in by salman abdi
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa caasimadda Hargeysa oo wareegto ka soo saaray in guryaha hortoodda iyo wadooyinka lagu xidho Laydhadh ka qayqaata bilicda amniga magaaladda

    Duqa caasimadda Hargeysa ayaa degreeto ka soo saaray Nolaynta caasimadda iyo kor u qaadida amniga iyo bilicdda magaaladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa caasimadda Hargeysa ayaa degreeto ka soo saaray Nolaynta caasimadda iyo kor u qaadida amniga iyo bilicdda magaaladda.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa shacabka reer Hargeysa iyo warshadaha Laydhka usoo jeediyey in guryaha hortoodda iyo wadooyinka hareeraheedda lagu xidho laydhk si caasimadda amnigeedda iyo bilicdeedda kor loogu qaaddo.

Duqa caasimadda Hargeysa ayaa degreeto ka soo saaray Nolaynta caasimadda iyo kor u qaadida amniga iyo bilicdda magaaladda.

Wareegtadan uu maayarku ka soo saaray ayaa u qornayd sidan:Duqa caasimadda Hargeysa ahna guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, isagoo ka duulaya baahidda loo qabo Nolaynta caasimaddda Hargeysa iyo kor u qaadidda bilicda caasimadda Hargeysa iyo nabdgalyadda caasimadda Hargeysa, duqa caasimadda Hargeysa:

Markuu arkey :sharciga wasaaradda Arrimaha gudaha ee maamulka goboladda iyo degmooyinka JSL ee xeer No:23/2002,qodobkiisa 40aad Markuu Arkay :Baahidda loo qabo nalaynta caasimadda Hargeysa oo qayb libaax ka qaadanaysa bilicda caasimadda Hargeysa iyo nabad gelyadda caasimadda Hargeysa.

 

Markuu Arkay : in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo nalaynta caasimadda Hargeysa si kor loogu qaado bilicda caasimadda Hargeysa si aynu ula tartanno caasimadaha arynu dariska wadaagta nahay.

Markuu Xaqiiqsaaday : in ay waajib tahay in warshadda Laydhka caasimadda Hargeysa, meheradaha ganacsiga ee suuqa caasimadda Hargeysa iyo mulkiilayaasha guryuhu in ay ka qaybqaataan hawsha nalaynta caasimadda Hargeysa.

Markuu tixgaliyey : taladda masuuliyiinta ay khuseyso.

Wuxu go’aansaday:

Duqa caasimadda Hargeysa, ahna gudd/golaha deegaanku markuu la tashaday cuqaasha,sulaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka waxa uu go’aansaday arrimahan:

1. In guri kasta oo Caasimadda Hargeysa ka mid ahi uu sameeyo hal laambad oo wajahadda guriga ah si aad uga qaybqaadato nabadgalyadda iyo bilicda caasimadda Hargeysa.

2. Dhamaanb meheradaha caasimadda Hargeysa waa in ay ku xidhaan hortoodda laambad iyo biraha hortoodda mara.

3. Dhamaan warshadaha laydhka Caasimadda Hargeysa waxaan ku adkaynayaa in shiddo warshaddo warshad waliba security Light- ka Area-yadda ay maamusho.

4. Sidoo kale waxaan farayaa agaasimaha waaxda hawlaha guud ee D/hoose ee Hargeysa in ay dhakhso u bilaabaan nalaynta waddooyinka kala ah:

(A) . Wadada madaarka caasimadda Hargeysa.

(B) Wadadda Number One-ka ah.

(C) Wadadda Number Two-ka

Alla mahad leh

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, duqa caasimadda Hargeysa, ahna gudoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.”


Contact@afkashacabka.com