Xildhibaan Dhugad Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Goor Dhawayd Geeriyooday

0
Sunday February 08, 2015 - 22:47:12 in by salman abdi
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dhugad Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Goor Dhawayd Geeriyooday

    Xildhibaan Dhugad Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Goor Dhawayd Geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Dhugad Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Goor Dhawayd Geeriyooday

Alle haw naxariiste Xildhibaan Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Hargaysa.

Xildhibaan Dhugad, waxaa siweyn loogu xasuusta Kaamkiisi uu ku laha Safeeriya, xiligii halganka, kaas oo lagu magacaabi jiray (Kaam Dhugad) wuxuu siweyn u taakulayn jiray wakhtigaas halganki SNM. Wuxuuna ka soo qayb qaatay wax tar badan oo halgankaas ah, iyadoo hawlgalkii Mandheera, ay Ciidamadii Maxamed Siyaad Barre ku qabteen Gaadhigiisi oo uu markaas Ciidankii Muj: Lixle soo siiyay si ay hawl galka ugu fuliyeen.

Wakhtigii dagaalada Sokeeye, ee laga baxay Magaalada Hargaysa wuxuu kamid ah wax garadkii aan ka qayb qaadan ee ku hadhay Magaalada Hargaysa, kana qayb qaatay nabadeyntii beelaha Walaalaha ah.

Geesta kale Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) wuxuu siweyn ula soo halgamay Xisbiga KULMIYE, wakhtigii uu Mucaaridka ahaa, isagoo ahaa Xildhibaanki kaligii horjoogsaday fadhi ay Xildhibaanada Golahaasi damacsanayeen inay xilka kaga qadaan Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Alle haw naxariiste Xildhibaan Dhugad wuxuu ahaa shakhsi culus, geesi ah, ku dhac badan leh. Dhammaan bahada Hadhwanaagnews waxay marxuumka alle uga baryayaan inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, dhammaan eheladii uu ka baxay iyo ummadda Somaliland-na Samir iyo imaan ka siiyo.


Contact@afkashacabka.com