Shirkadaha Diyaaradaha Ee Daalo Iyo Jubba Oo Si Rasmi Ah U Midoobay

0
Sunday February 08, 2015 - 22:54:40 in by salman abdi
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha Diyaaradaha Ee Daalo Iyo Jubba Oo Si Rasmi Ah U Midoobay

    Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen masuuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee Daalo Airlines iyo Jubba Airways ayey ku shaaciyeen mideynta labada shirkadood iyo sidoo kale adeegyada shirkadahan oo adeegyo duulimaad oo kala duwan ka sameeya qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen masuuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee Daalo Airlines iyo Jubba Airways ayey ku shaaciyeen mideynta labada shirkadood iyo sidoo kale adeegyada shirkadahan oo adeegyo duulimaad oo kala duwan ka sameeya qaybo badan oo ka mid ah dunida.


Waxaa warsaxaafadeedkan ka soo baxay maamulka sare ee shirkadaha duulimaadka ee Daalo Airlines iyo Jubba Airways lagu sheegay in shir ka dhici doona dalka Jabuuti 19ka bishan Febraayo si rasmi lagaga shaacin doono midowga labada shirkadood oo noqon doono kii ugu horeeyey ee la mid ah ee ka dhaca Bariga Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Tani waxay kor u qaadeysaa adeegyada duulimaad ee shirkadaha duulimaadyada sida lagu sheegay warsaxaafadeedka , waxaana ay kobcin kartaa tayada iyo waxbaqadka shirkadaha diyaaradaha ee Qaaradda Afrika.


Waxaa xusid mudan in magacyada labada shirkadood ay sidooda ahaan doonaan oo aaney wax iska bedeli doonin, laakiin ay hawlaha shirkadahan diyaaraduhu hoos iman doonaan maamul isku dhaf ah iyada oo shaqaalaha iyo xafiisyada shirkaduhuna ay u wadashaqeyn doonaan sida hal shirkad oo kale.

Warsaxaafadeedkan waxaa ku saxiixnaa Agaasimayaasha shirkadaha diyaaradaha ee Jubba iyo Daalo Abdullahi D. Warsame iyo sidoo kale Mohamed I. Yassin (Olad).



contact@afkashacabka.com