"Wakhtiga Doorashada La Qabanayo Xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Wadani Kama Godo, "......Muuse Biixi.

0
Sunday February 08, 2015 - 22:58:47 in by salman abdi
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wakhtiga Doorashada La Qabanayo Xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Wadani Kama Godo, "......Muuse Biixi.

    "Wakhtiga Doorashada La Qabanayo Xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Wadani Kama Godo, "......Muuse Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wakhtiga Doorashada La Qabanayo Xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Wadani Kama Godo, "......Muuse Biixi.

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Ayaa ka hadlay Asxaabta Mucaaradka Somaliland oo ku edeeyay Xukuumada in ay Doorashada Dib u dhigayso,waxaana uu sheegay inaanu Awoodisa Lahayn Madaxawaynaha Somaliland Dib loogu Dhigayo Doorashada,Diyaarna u Yihiin Xisbiga Kulmiye Galista Doorashada.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Dawlada Somaliya Muuse Bixii cabdi in Ay tahay Dawlada Aan Qaadan Garteeda Jabisayna Qodobo Badan oo ka Hor Imanaya Wada hadalka somaliland iyo Somaliya.

Muuse Biixi Nicholas Kayna waxa uu u soo jeediyay inuu ka waantoobo dhulka ka tirsan Somaliland inuu yidhaa waa ka qayb Somaliya.

Sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi uu siinayay Horn Cable Tv waxaana uu ugu Horayn Ka hadlayaa Doorashada waxaana uu yidhi.

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Hadalkiis Siiwata ayaa intaas waxa ku daray.”Nimanka Somaliya ee Aynu la Garamayno waa Gar Diid,Marka Ay sheeganayaan Xamar ilaa koobaan wixii lagu kala Tagayna Aanu ahayn baryo iyo walaalnimo ee uu ahaa wixii dhacay aniga waxa ay ila tahay,dadka aynu La doodaynaa ee aynu La garamaynaa waa dadkaas Caynkaas Ah,Gacantaadu Haday Meel Gasho Waa la Dhiraan Dhiriyaa."Wakhtiga Doorashada La qabanayo Xisbiga Kulmiye Kama Godo,Ucidna Kama Godo Wadanina Hadalkiisa Daa,Xiliga La qabanayo Doorashada Iyo Jadwalka Lagu qabanayo komiishanka Ayaa u Xil Saara,Kulmiyena Komiishankii Maaha,Madaxwaynaha Somaliland Awoodaas Malaha,Markaas Haday komiishanku Soo Horumarinayaan Haday Wakhtigeedii Qabanayaan iyaga ayay Jirtaa,Maalinta Lagu Dhawaaqana Anaga Waa Naga Diyaar,inaanu Galno Doorashada.

waxa uu sheegay muuse Biixi In Dawlada Somaliya Tahay Dawlada Gar Diid Ah Somaliland Markasta la Hortaagan Tahay Sidii Loo Kala Guran Lahaa waxaana uu yidhi.

"Dawladaha Caalamka waxaanu La Hortaaganay Gar Cad iyaguna waa Niman Aan Gar Qaadanayn oo kolba Meel ku Wareegsanaya,Markaas Nimankani Gar Qaadan Mayaan wixii lagu heshiiyana Sidooda Uma Fuliyaan,Markaas Caalamka Laba Qodob ayaynu u Bandhigaynaa Waan Danteena Kamana Daalayno.

Wada Hadalka u dhaxeeya Somaliland Somaliya waxa uu ku sifeeyay Muuse Biixi Qaar Hawl Dheer u baahan Sidii la Filyayna Aan ku dhamaan waxaana uu yidhi.

"Wada Hadalku Sidaas kuma Dhamaadaan Hawl kasta oo culusine Dhibteeda ayay leedahay,Hadaad Aragtid Macaa Shirkadaha waawayn Marka ay heshiiska Galayaan Sanado ayay qaadataa,Buuhoodleh inuu somaliland yahay oo tariikhdii Africa ku dhisan tahay ka Mid yahay waa la Og yahay,taasna Dacwad ayaanu ka qabnaa waana Khalad ayaanu leenahay Ergayga Qaramad Midoobay u qaabilsan Somaliya Galay.

Muuse Waxa uu sheegay in Somaliland Xuduudeedu tahay Halkii uu kaga tahay isticmaarku waxaana uu Soo jeediyay inuu Ergayga Qaramad Midoobay u qaabilsan Somaliya Ka waantoobo dhul ka Tirsan somaliland inuu yidhaa waa ka qayb somaliya.

"Ururka Midawga Africa ee hada jooga iyo Kii horeba waxa ay ku dhisan yihiin oo africa laga ogol yahay inuu dal waliba Xuduudiisu ahaato halkii Isticmaarkii,Somaliland wax Ka badan Dooni Mayso Africa iyo Ergayga Qaramad Midoobay u qaabilsan Somaliya Way ku khaldan yihiin qaylo dhaana waanu ka soo jeedinaynaa Arinkaas.


Contact@afkashacabka.com