Taliyaha Guud Ee Laanta Socdaalka Somaliland Oo Tababar Aqooneed U Furey Ciidanla Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Ee Fadhigiisu Yahay Tog-Wajaale Swiro/Muqaal

0
Sunday February 08, 2015 - 23:01:44 in by salman abdi
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guud Ee Laanta Socdaalka Somaliland Oo Tababar Aqooneed U Furey Ciidanla Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Ee Fadhigiisu Yahay Tog-Wajaale Swiro/Muqaal

    Kulan Aqooneedkan oo socon doona mudo Toban Caanamaal ah ayaa waxaa lagu baran doonaa mudada uu socdo khibrado iyo aqoon korodhsi ku sahabsan siyaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Aqooneedkan oo socon doona mudo Toban Caanamaal ah ayaa waxaa lagu baran doonaa mudada uu socdo khibrado iyo aqoon korodhsi ku sahabsan siyaalaha

Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf ayaa kulan aqooneed, ku sahabsan shaqda iyo Howlaha Ciidamada Socdaalka Magaalada Tog-Wajaale uga furey Ciidamada Socdaalka Gobolka Gabiley.

Kulan Aqooneedkan oo socon doona mudo Toban Caanamaal ah ayaa waxaa lagu baran doonaa mudada uu socdo khibrado iyo aqoon korodhsi ku sahabsan siyaalaha ciidamada Socdaalku ku ogaan karaan ama baadhi lahaayeen shakhsiytaadka sita Baasaboor aanay laheyn iyagu.

 

 

Kulan aqooneedkan oo uu goob joog ka ahaa Taliyaha Guud Ciidanka Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf iyadoo ay tababarkan kawada qeyb qaadanayaan Saraakiisha iyo Taliyayaasha Ciidanka Socdaalka Tog-Wajaale iyo waliba Ciidanka dhamaan ka howlgala Gobolka Gabiley dhinaca Socdaalka iyo fadhiisui ka Tog-Wajaale.

 

 

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan oo ka hadlay furitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tababarkan maadaama uu kor u qaadayo dhismaha Aqoonta Ciidanka Socdaalka Gobolka Gabiley iyo fadhiisinka Socdaalka Tog-Wajaale oo ah Xafiiska Gobolka Gabiley ama Saldhiga ugu weyn ee Socdaalka Gobolka,isagoo carabka ku dhuftey in Ciidanka dhinacooda looga baahan yahay in ay ka faa,ideystaan Tababarkan.

Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo ka hadley furitankii tababarkan ayaa u mahad celiyay Guud ahaanba Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland, iyo Saraakiisha Degmada Tog-Wajaale isagoo xusey doorka ay ka qaataan howlaha shaqo ee Socdaalka dalka iyo ka hortaga tahriibayaasha oo ay habeen iyo maalinba ka howlgalaan

Taliyaha Guud ee Ciidanka Socdaalka Somaliland gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, oo soo gabagbeeyay hadalka ayaa Ciidanka Socdaalka Tog-Wajaale iyo guud ahaanba Ciidanka Socdaalka ee kasoo Qeyb galay tababarkan usoo jeediyay in ay ka

 

Ma aha Markii u horeysay ee kulan aqooneed noocan oo kale ah loo qabto Ciidanka Socdaalka tababar noociisa oo kale ah haseyeeshee, marar badan ayay kan oo kale qaataan.



Contact@afkashacabka.com