Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Warbixiyey Waxyaalihii U Qabsoomay Mudadii Yarayd Ee HogaaUrurka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Warbixiyey Waxyaalihii U Qabsoomay Mudadii Yarayd Ee Hogaamada Cusubi Is Bedeleen.mada Cusubi Is Bedeleen.

0
Sunday February 08, 2015 - 23:15:23 in by salman abdi
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Warbixiyey Waxyaalihii U Qabsoomay Mudadii Yarayd Ee HogaaUrurka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Warbixiyey Waxyaalihii U Qabsoomay Mudadii Yarayd Ee Hogaamada Cusubi Is Bedeleen.mada Cusubi Is Bedeleen.

    ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaalihii u qabsoomay mudadii yarayd ee ay xilka hayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaalihii u qabsoomay mudadii yarayd ee ay xilka hayeen.

SOLJA

SOMALILAND JOURNALIST ASSOCIATION

Behind Ex-UNICEF Office, Shacab Area Tel: 4194200/4413361/4491178.

Ref:SOLJA/H/122

08/02/2015


 

War-saxaafadeed

 

Hogaanka cusub ee SOLJA oo xilka la wareegay 7/1/2015, waxa u qabsoomay hawlo muhiim u ah Ururka iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu qaaday dhawrtalaabo oo xaqiijiyey Himilada Ururka oo ah u doodista iyo Horumarinta Saxaafadda Dalka.

Mudadii uu Hogaanka cusub xilka hayey oo ay ka soo wareegtay muddo bil ah waxa Ururka u suurtogashay in uu xorriyadoodii u soo celiyo laba wariye oo la kala yidhaa Axmed Ciil-tire Rayo TV iyo Cali Xajar Somali Chanel oo lagu kala xidhay Borama iyo Saylac.

Sidoo kale, waxa uu Ururku ku hawlan yahay sii daynta labada wariye ee Maxamed C/laahi soo fadhiiste oo ka hawl-gala Telefishanka Somali chanel iyo Mareegta Berberatoday oo ay maanta Maxkamadda Gobolka Saaxil toddoba cisho oo Rumaan ah u dirtay iyo Yuusuf Maxamed Xasan oo ah Tafatiraha Wargeyska Horn Tribune, kaasoo in ka badan muddo bil ah ku xidhan Dalka Itoobiya sida ay SOLJA warbixin ku heshay.

SOLJA waxay kala xidhiidhay labadan kiis Hay’adaha ay khusayso, waxaanay ku rajo weyn tahay in Xorriyadooda dib loogu soo celiyo, iyadoo mudadii ay xidhnaayeen dedaal dheeraad ah u muujisay sidii Eedaha loo haysto loo sugi lahaa, isla markaana loo soo af-jari lahaa xadhigooda.

Hogaanka cusub ee SOLJA waxa mudada bisha ah ee ay xilka hayeen ay la kulmeen Shirkaddo Wadani ah oo ugu balanqaaday inay gacan ka geystaan sidii loo horumarin lahaa Xarunta Guud ee Ururka, isla markaana ay Suxufiyiintu u heli lahaayeen tababaro kala duwan.

Sidoo kale, Hogaanka SOLJA waxa xarunta ku soo booqday Hay’addo Caalami ah oo taageera saxaafadda, kuwaas oo kala ah:- xafiiska xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay (UNRCO), Free Press, Internews, World Bank, Safiirka Talyaaniga Somaliya, halka ay Hay’addaha Fojo Media International iyo International Media Support (IMS)ay xidhiidhokala soo sameeyeen Ururka, wakiiloo Hordhac u ahaana Xog isweydaarsadeen.

SOLJA waxay xidhiidh fiican la samaysay kooxda Somali Media Support Group, taasoo ay ku bahoobeen haya’adaha, Safaaradaha iyo Dawladahabixiya mashaariicda lagu horumariyo Saxaafadda, waxaana SOLJA xidhiidhkan ka caawiyey Gavin Roy oo ah sarkaalka xafiiska xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee Somaliland.

Hogaanka cusub waxa uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay xoojiso wadashaqaynta Saxaafadda Dalka, isla markaana masuuliyad iska saarto wax kasta oo caqabad ku noqon kara Suxufiyiinta Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu Hogaanka Ururka SOLJA wariyayaasha iyo Hay’adaha warbaahineed ee Dalka ugu baaqayaa inay sugaan wararka isla markaana ku dhaqmaan ilaalinta Anshaxa saxaafadda iyo Shuruucda Dalka u taal, isla markaana ay wax kasta ka horumariyaan Qaranimada Somaliland.

Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa cid kasta oo kaalin ka qaadan karta Horumarka saxaafadda Somaliland, maadaama Saxaafadda Somaliland dhismaha Dalka ka soo qaadatay kaalin wax ku Ool ah, ilaa hadana ay wado dedaalkaas, iyadoo dhinac kasta looga baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo sawir xun ka bixin kara Dalka.



Guddoomiyaha Ururka SOLJA

Maxamud Cabdi Jaamac