Dayac buu qabaa Dadkeenu?!! WQ: Mustafe Shaybe

0
Monday February 09, 2015 - 08:14:10 in by salman abdi
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayac buu qabaa Dadkeenu?!! WQ: Mustafe Shaybe

    Qurux,joog ,Jamaal iyo dadnimo rabi waa ugu deeqay, fariidnimada iyo hawl karimada reerka waxaa u dheer waxayba u shaqaysaa oo ay u talisaa sida raga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qurux,joog ,Jamaal iyo dadnimo rabi waa ugu deeqay, fariidnimada iyo hawl karimada reerka waxaa u dheer waxayba u shaqaysaa oo ay u talisaa sida raga.

Dood, Dirir iyo Deeqsinimo ayay ku caan baxday. Hawlaha reerka marka la qabanaayo inteeda looguma tago in hawl dheeraada loo diro mooyee.

 

Waxay ka hawl-karsan tahay rag badan oo qoyskooda ah, oo waxay qaban lahayeen ay iyadu qabataaa. Caruurteeda iyo nin keeda iyada ayaa biilka iyo Quutal daruuriga siisa ,una soo shaqaysa, oo dhididd keeda ayaa omoto u ah, qoyskeedu wuxuu ka kooban yahay laba caruura. Aabahood iyo hooyadood dadka oo dhami way jeclaayeen wayna ku faani jireen, waxayna isku jareexayn jireen maadiga gaadhi kara Shankaroon Raggaba waxay ka saraysaaye.

 

Waxay lahayd Maqaaxi iyo Kabadh lagu barjeeyo oo ay ka qabsan jirtay kana soo saari jirtay biilka reerka, iyo lacagta Iskuulka caruurtu ku dhigtaan, waxay in mudo ah noloshaa ladan ee fiican ku jirtaba hada waxay madaxa ka jartay Gu,gii 37aad nimco weliba nusqaan lehee Shankaroon waxaa la kulantay dhacdo qalbigeeda u badashay nolol cusub,waxayna wayday oo ka geeriyooday wiilkeedii curud ee Yuunas oo ay aad u jeclayd!!

 

In mudo ah ayay wareer iyo walbahaar ku sugnayd aa khirkiina waxa haleelay Xanuun xaga dhimirka ah, waxayna bilawday inay isla hadasho oo ay buuqdo habeenkii, xafadiina kala layso markay daashana iska fadhiisato, maadama ay hada tahay qofaan xuskeedu buuxin waxay ku kacday waxyaalo badan oo aan wanaagsanayn.intaasi haday ku dhacday geeri iyo xanuuna isku galeen may helin wax daryeela oo xanaanayn ah,ehelkeediina may garan Nasiya oo dhakhtar geeya!! Mana ayna garan meeshan geeridu kaga dhacday ka Aag badala bal si ay xusuusteeda uga saarto wixii dhacay!!

 

Goor habeenimo ah ayay shankaroon ka baxday gurigii waxayna u jihaysatay xagii ay u jeeday uuun oo ayna garnayn meesha ay tahay, waxay socoto oo marba dugsi yar fadhiisataba, waxay soo gaadhay tuulo-yar oo aan sidaaba uga sii fogayn deegaankooda, markii la wayay lana ogaaday inay baxsatay cidiba xil weyn iskama saarin ee inta meelahan dhaw dhaw laga soo eegay ayaaba faraha laga qaaday iyada oo Qiil laga dhiganaayo iska daaya Kolay ma noolee Bahal baa duddada ka qaatee!! Iyo hadlo la mida.. subxaana llaah,,,,,,

Hada waxay ku sugan tahay tuulada aan joogo sidaan warka ku helay markii ay tuuladan timi waxay ahayd gabadh cayilan, oo qurux badan hilib fiicana leh oo midab keeduna yahay casaan dahab… imika oo ay tuulada joogtay mudo ah 7sano, waxay ku nooshahay nolol ay geeridu dhaanto, waxay ku nooshahay hadba meeshii gabal ugu dhaco, malintii waxay cunto ma hesho haday heshana waa maray Hambo reer soo qubay uruursato iyada oo la caayayo.!! Hada maha gabadh qurux badan maaha gabadhii cadayd ee intay Madoobatay ayay Solantay oo Dubkii iyo diirkii isku dhageen.Ku darsoo qofkani waa Dumar, waa Caar, waa Hooyo, Waa Walaalo,Waa Eedo,Waa xaaskaaga oo kale!!!! Subxaana llaah.. dadka tuulada jooga uma diirnaxaan kamana soo xareeyaan Dayra dhaafka habenkii dhacaya.

 

Huga ay sidataa mahaa mid cawradeeda qarinaaya maaha mid dhaxanta iyo qabawga ka celinaya, Milicduna way u dheertahay oo maalin oodhan Garaabada ayay ka uruursata oo kabadhada ayay ku wareegtaa, Shiikh iyo shariifba dadka magaaladu way wada arakayaan qof walbaana wuu iska dhafaa xataa Il-naxariis leh kuma eegaan, kay soo dul is taagtaa Hush.. Naa naga dul dhaqaaq ayuu ugu fal celiyaa , Hadaanu uba dhiibin laba qori oo jaada.

Xiliyada qaarkood waxaad maqlaysa iyada

Oo ku calaa-calaysa erayada ay ka mid

Yihiin manan cid lahayn?

Hooyo Yuunasaw xagaad joogtaa??

Alla meeyay wiilkaygii aan jeclaa??

Alla waar ilahay ka yaaba oo wax isiiya?

Subxaana llaah……

Alla hooyo maan cashayn alla hooyo

Wax aan cuno isiiya….!!!!!!!

Qofka sidan u calaa-calayaa waa hooyo ilahay ka dheelmiyay xiskeedii waa qof islaama, oo aan haysan cid xanaanaysa iyo cid u diirnaxda toona dadkan ay ku dhex silcaysaana waadad la diina oo la dhaqana oo la deegaan ah… ! allaahu Akbar…..

Waxaan is weydiiyaa dadkan magaalada ku nool Ee hantida haysta ee wadaadd, cuqaal, dhalinyar, waayeel ,haween itaba is kugu jiraa miyaanay ahayn dad damiir leh oo ilahay ka cabsanaaya?!! Miyaanay ahayn umad damiirkoodu nool yahay?!! Miyay ilaaween inuu ilahay yidhi sareeyaaye isku naxariista oo kiina taagta daran gacan qabta?!! Markaan u soo dhawaado ee aan waxa yaree aan gacanta aan ku hayo an u dhiibo waxay iigu tidhaah:---

·Ilahay haku barakeeyo

·Awlaad saalaxa hel

·Wax ku dhiba ha arkin

Hadaladani waxay qalbigayga ku reebaan raad iyo saamayn badan,mar-mar waxaan Caloosha iska idhaahdaa wlhy hadii inyar oo nasasho ah malaa la siin lahaa caadi ayay noqon lahayd.

Waxaan is weydiiyaa meeye Ehelkeedii? Meeye dadkii ilahay dartii dadka wax u siin jiray? Maxay tolow maryo Asturan oo ay xidhato u siin waayeen?? Anoo hoos isula hadalaaya ayaa waxaan iskula guuxaa Ereyadan:-

·dayac buu qabaa Dadkeenu

·Hadi la daryeeli lahaa

·Darmada loo hagaajin lahaa

·Balwada laga dayn lahaa

·Dawaa loo heli lahaa

Hada waxay ku nooshahay tuulada mana hesho cid u gargaarta oo gacan qabata, dhakhtar ma hesho, cunto fiican ma cunto Hu wanaagsana ma haysato oo ay ka gasho dhaxanta iyo kulaylka isdaba maraaya.dhibtana waxay kala siman tahay kumaan qof oo kale oo sideeda dayacan kuna silcaaya daafaha dunida, ayna haboon tahay in la gacan qabto oo loo gar gaaro. Akhristaha sharafta lahaw dhamaadka maqaalkan waxaad isku daydaa inaad ka jawaabto su,aalaha koob koobaan….

1)Weli qof dhimirka ah ma la kulantay?_______________

2)Weli qof dhimarka ah ma u gargaartay oo magacan qabatay?____________

3)Maxaad dareentaa markaad aragto qof dhimirka ka xanuusan?______________

4)Ma tahay qof jecel inuu u naxariisto dadka dhimirka ah?______________





 

Q/Mustafa H.Ahmed H. Derie

Burco-somaliland

Burao University

Email:onkod1990@gmail.com