Iskudhacyo Dhexmaray Ciidanka Amaanka Iyo Taageerayaal Kubadeed Dalka Masar

0
Monday February 09, 2015 - 10:25:07 in by Burco Office
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iskudhacyo Dhexmaray Ciidanka Amaanka Iyo Taageerayaal Kubadeed Dalka Masar

    Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Masar, ugu yaraan 14 ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen isku dhacyo dhexmaray ciidanka booliska iyo taageerayaal kubadeed oo ka dhacay magaalada Qaahira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Masar, ugu yaraan 14 ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen isku dhacyo dhexmaray ciidanka booliska iyo taageerayaal kubadeed oo ka dhacay magaalada Qaahira.


Cisbitaalka Ahli Bank ee Qaahira ayaa la sheegay in la keenay 14 qof oo meyd ah sida uu qof magaciisa aan sheegin uu u sheegay shabakadda Ahram Online.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee dalka Masar ayaa diiday in uu xaqiijiyo dhimishada dadkan, laakiin waxa uu sheegay in ugu yaraan 20 qof oo dhaawac ah la keenay cisbitaalka.

B9WN3rKIUAANaZK

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay dhimashada 14 qof iyada oo soo xiganeysa dhakhtar cisbitaalka ka shaqeeya halkaas oo la geeyey dadka meydkooda. Iyada oo dhakhtarku sheegay in sideed qof laga dabiibayo dhaawacyo soo gaadhay.

Taageerayaasha kooxda Zamalek SC ee dalka Masar ayaa isku dhacyo adag kala hortagay booliska wajahadda hore ee xero ay leeyihiin ciidanka milatariga dalkaasi halkaasoo uu ku yaallo garoon weyn oo kubadeed, kaas oo ay doonayeen in ay galaan si ay u daawadaan ciyaar halkaasi ka socotay iyaga oo aan iibsan tigadhada ciyaarta lagaga qaybgelayo.

cairo-footbal-fans-police.si

contact@afkashacabka.com