Daawo:Taliyekuxigenka Booliska Somaliland oo ka hadlay Rabshad wadayaal laga Raafay Caasimadda oo laga Buuxiyey Jeelasha Mandhera iyo Caynaba

0
Monday February 09, 2015 - 10:24:08 in by salman abdi
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Taliyekuxigenka Booliska Somaliland oo ka hadlay Rabshad wadayaal laga Raafay Caasimadda oo laga Buuxiyey Jeelasha Mandhera iyo Caynaba

    Ciidamada booliska Somaliland oo maalmihii u dambeeyay Hargeysa ka waday hawlgallo lagaga hortegeyo laguna xidh xidhayo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliska Somaliland oo maalmihii u dambeeyay Hargeysa ka waday hawlgallo lagaga hortegeyo laguna xidh xidhayo...

 dhallinyarada rabshadaha ka sameeya Caasimadda, ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay uu gacanta ku dhigay 70 dhallinyaro ah, kuwaasi oo isugu jiray kooxo isku duuban oo Hargeysa ka dhisan.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada ay qabteen dhammaantood Maxkamadda gobolka Hargeysa xukuntay isla-markaana loo dhaadhiciyey xabsiyada Mandheera iyo Caynabo.

Taliye ku xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Saddexdii maalmood ee u dambeeyay wuxuu boolisku gacanta ku dhigay 70 eedaysane oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo isugu jira kooxaha Duufaan, Hormood, Himilo, Arsenal iyo Diyaana, ka dibna waxaanu horgeynay Maxkamadda, waxaana lagu kala xukumay, Shan bilood, 8 bilood iyo sanad, waxaana loo gudbiyey xabsiyada Mandheera iyo Caynabo iyo meelo kale oo ka sii fog”


Taliye Fooxle, waxa kale oo uu xusay "Waxa kale oo aanu hawl-gal adag ku haynaa kooxo kale oo aanaan warbaahinka sheegayn” ayuu yidhi, isagoo intaasi raaciyey in sidoo kale ay qabteen kooxo tuug ah, kuwaasi oo iyagana la xukumay. 


Contact@afkashacabka.com